Maraykanka oo markii ugu horreysay soo hadal qaaday guuldarrada Israa’iil

Image
Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka Qasa.

WASHINGTON (GO) - Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Israa’iil ay guul-darro istiraatijiyadeed kala kulmi karto Marinka Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay Madasha Difaaca Qaranka ee “Reagan”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray: "Dagaalka noocaan ah, dadka rayidka ah ayaa ka ah culeyska, haddii aad ku riixdo gacmaha cadowga, waxaad muteysan doonta guul darro Isrtaatijiyadeed”.

Sida uu sheegay ciidamada Israa’iil waxa ay ku guulaysan karaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas waa haddii ay ka hortagaan dilka dadka rayidka ah kana shaqayaan ilaalinta marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichai Adraee, ayaa ku andacoodey in Xamas ay jebisay heshiiskii Xabadjoojinta oo ay gantaallo ku ridday dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM