Mareykanka: Nin kasoo boodey diyaarad oo xabsi la dhigay

Image

WASHINGTON, USA - Nin ayaa ka booday diyaarad ku sii socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Los Angeles ee waddanka Mareykanka kadib markii uu isku dayay inuu galo qolka laga hago diyaaradda.

Ruuxan oo aan wali lasoo bandhigin magaciisa ayaa furay albaabka diyaaradda isaga oo ku degay qeybta xaalada deg-deg ah maalintii Jimcaha, sida uu shaaciyey Maamulka Duulista Federaalka (FAA).

Ciidanka ammaanka oo ka qabtey qeybta dhabaha diyaaradda ayaa ula cararay isbitaal si looga daaweeyo dhaawacyo yar-yar oo kasoo gaarey wallow aan la fahfaahin heerka ay gaarsiisan yihiin nabarada.

Dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo warinayo garoomada Mareykanka ayaa sii kordhaya iyadda oo la qiyaasayo in tan iyo bilowgii sanadkan 2021 la diiwaan-geliyey qiyaastii 3,000.

Dhacdadii Jimcaha waxaa la soo tabiyey abaare 19:10 waqtiga maxalliga ah (02:10 GMT Sabtidii) waana diyaaradda United Express, oo ay maamusho SkyWest Airlines, kuna sii jeeday Salt Lake City.

Shaqaalaha duulimaadka ayaa laga soo xigtay inay arkeen rakaabka oo ka kacaya kursigiisa iyadoo diyaaradda ay isku diyaarineysay in ay caga-dhigato. Waxay sheegeen inuu garaacay albaabka qolka laga baxo ka hor inta uusan ka bixin diyaaradda isagoo adeegsanaya albaabka xaaladdadeg-degga ah, sida ay warisay NBC News.

Diyaaradda, oo ahayd Embraer 175, nooca u kala gooshta goboladda, ayaa kalkii dambe loo xiray albaabka. Maamulka Duulista wuxuu bilaabay baaritaan la xiriira dhacdadan iyo ujeedka rakaabka.

Horaantii bishan, FAA ayaa xustey in ay baareyso sababta kororka dhacdooyinkan tan iyo markii 1995-kii. Qaar badan waxaa loo aaneeyay in dadka ay diideen inay xirtaan af-saabka Covid-19.

Hay'addu ayaa tibaaxdey in ay diiwaan-gelisay 394 kiis oo la xiriira "faragelinta waajibaadka duuliyeyaasha" tan iyo 25-kii Maajo. Tani ayaa waxay labanlaab ka badan tahay sanadkii hore oo ahayd 183 kiisas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM