Mareykanka oo badalay luuqada qaraar uu ka gudbiyay xaalka Gaza

Image
Washington ayaa waxa ay dooneysaa in qaraarkan uu helo taageerada Golaha Ammaanka.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay luqadda qaraar qabyo ah oo uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qaraarkan ayaa lagu taageerayaa "xabad joojin degdeg ah taasoo muddo ku siman ku dhawaad ​​lix toddobaad ah laga hirgelinayo magaaladda Gaza ee dhulka Falastiin".

Xabad-joojinta ayaa, sidda ku cad qaraarka, waxaa weheliso sii deynta dhammaan la haystayaasha," sida lagu sheegay qoraalka ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dib u eegistii saddexaad ee qoraalka - ayaa markii ugu horreysay uu Maraykanku soo jeediyay laba toddobaad ka hor - hadda waxay ka tarjumaysaa hadallo qaawan oo ay jeedisay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Qabyo-qoraalka hore ee Maraykanku wuxuu muujiyay taageerada "xabad joojin ku meel gaar ah" si loo  joojiyo xasuuqa ay Israel ka geysaneyso dhulka la go'doomiyey Falastiiniyiinta.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay doonaysaa in la helo dhamaan taageero kasta oo Golaha Ammaanka ee xabbad joojinta lagu xiro sii deynta la haystayaasha lagu haysto Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM