Mareykanka oo codka diidmada qayaxan ku horistaagay xabbad-joojinta Qasa

Image
Duqeymaha Israa’iil ee Qasa ayaa weli sii socda, iyadoo tobaneeyo lagu dilay koonfurta Qasa.

DOOXA, Qadar - Mareykanka ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraarka xabad joojinta Qasa ee uu soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ka dib fadhi golaha ammaanka uu uga dooday dagaalka Qasa iyo xabbad joojinta.

Falastiiniyiinta ayaa ku dhaleeceeyay Mareykanka inuu ka dhago adaygay baaqa Qaramada Midoobay ee xabad joojinta, inkastoo ay jiraan cadaadis sii kordhaya oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa shacabka falastiin ee ku sugan Qasa.

Duqeymaha Israa’iil ee Qasa ayaa weli sii socda, iyadoo tobaneeyo la sheegay in lagu dilay weerarrada Khan Yuunis ee koonfurta magaaladaas, hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka ay ku nool yihiin waddooyinka iyaga oo aan helin cunto iyo agab kale oo aasaasiga ah.

Ugu yaraan 17,487 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qasa tan iyo 7-dii October. halka tirada rasmiga ah ee dhimashada Israa’iil ay marayso 1,147 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM