Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Image
Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalada sii xoogeysanaya ayaa weli ka socda guud ahaan Qaza, iyadoo dhowr qof lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay bartamaha Gaza, ugu yaraan 18 kalena lagu dilay Jabalia iyo Beit Lahiya oo ku yaalla waqooyiga.

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay codsi ah in la soo xiro ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, wasiirka difaaca Yoav Gallant iyo hogaamiyayaasha Xamaas Yahya Sinwar, Mohammed Diab Ibrahim Al-Masri iyo Ismail Haniyeh.

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka, oo ay ku jiraan US, UK, Italy iyo Germany, ayaa dhaleeceeyay tallaabada, iyagoo ku doodaya codsiyo isku mar ah oo lagu soo xirayo madaxda Xamaas iyo saraakiisha Israel ay abuureyso wax u dhigma.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu sheego sida uu Maraykanku uga jawaabi doono codsiga dacwad oogaha ICC ka dib markii madaxweyne Biden uu ku tilmaamay tillaabada "wax laga xumaado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM