Mareykanka oo dib-u-furaya qunsulyadiisa Bariga Qudus

Image

WASHINGTON, USA - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay Talaadadii in dalkiisa uu sii amba qaadi doono howlaha dib loogu furayo qunsuliyadooda Bariga Qudus iyo xoojinta xiriirka uu la leeyahay Maamulka Falastiin.

Blinken ayaa hadalkan u sheegay wariyeyaasha kadib markii uu kula kulmay madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas magaalada Daanta Galbeed ku taala ee Ramallah.

Qunsuliyadda Mareykanka ee Bariga Qudus waxaa la xiray dabayaaqadii sanadkii 2017 markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu u aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus in ay tahay caasimadda Israel taasoo carro culus dhalisay.

Falastiiniyiintu ayaa waxay u arkaan Bariga Qudus, oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii dhacay sanadka markii uu ahaa 1967, inay tahay caasimad mustaqbalkooda Falastiin ee madaxbanaan.

Dhanka kale, Blinken ayaa wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii xabad joojinta ee ay garwadeenka ka ahayd dowladda Masar ee lagu soo afjaray colaaddii 11-ka maalmood ka dhex taagnaa Israel iyo kooxaha hubeysan ee Falastiin ee Marinka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, Blinken, ayaa Talaadadii wuxuu gaarey caasimadda Israel ee Tel Aviv. Waa socdaalkiisii ugu horeeyay ee Bariga Dhexe markii xilka uu la wareegay. Wuxuu kadib booqanaya Masar iyo Jordan.

Safarka wasiirkan wuxuu daaran yahay adkeynta xabadjoojinta Gaza, isaga oo Netanyahu kula kulmay West Jerusalem, Maxamuud Cabaasna gudaha Ramallah. Shir jaraa'id ayuu labada dhinac la qabtay mid walbana ku taageeray mowqifkiisa qaddiyadda dhulka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM