Mareykanka oo digniin kama dambeys ah siiyey Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Turkiga ayaa waxaa la siiyey illaa iyo dhamaadka bisha Julaayo si uu u kala doorto soo iibashada diyaaradaha dagaalka ee ay far-sameeyaan dowladaha Mareykanka iyo Ruushka.

Sii haayaha wasiirka gaashaandhiga Mareykanka, Patrick Shanahan, ayaa warqad kama dambeys ah waxa uu u diray dhigiisa Turkida Hulusi Akar, sidda ay Arbacada maanta ku warameyso saxaafadda.

Shanahan ayaa waxa uu qoraalkiisa shaaca uga qaadey in xukuumada Ankara aysan wada iibsan karin diyaaradaha dagaalka ee ay soo saaran dowladaha xifaaltanka culus uu ka dhaxeeyo.

Xulufada kawada tirsan gaashaan-buurto NATO ayaa xiisada ka dhalatay diyaaradda S-400 waxay ka dhex-aloolsan tahay muddo bilooyin ah iyadda oo ay fashilmeen isku dayo lagu qaboojinayo.

Washington ayaa ku doodeysa in hanaanka difaacyada Ruushka ay yihiin kuwa aanan lala barbardhigi karin kuwa NATO ayna soo keeni karo khatar amni,Turkiga-na ay ka dooneyso in ay iibsato midkeeda Patriot-ka.

Turkiga oo doonaya in uu yeesho siyaasad gaashaandhig oo madax banaan ayaa soo iibsaday diyaaradaha nooca 100 F-35s, waxa uuna maalgeliyey shirkada Turkida oo soo saara noocyo kamida diyaaradaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM