Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Image

Washington – Mareykanka ayaa waaberigii Axaddii shalay illaa Maanta qaaday weerarro ballaaran oo lagu beegsaday ku dhowaad 140 bartilmaameed oo ku yaalla Iiraan, kadib markii weerar ay Washington ku eedeysay Tehran uu dab qabadsiiyay markab xamuul oo marayay Marinka Hormuz, taasoo ku qasabtay shaqaalihii saarnaa inay ka baxsadaan.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in bartilmaameedyada la duqeeyay ay isugu jireen goobaha laga rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, bakhaarro hub, xarumo isgaarsiineed iyo xarumo kale oo militari.

CENTCOM ayaa sheegay in ujeeddada weerarradu ay ahayd in la wiiqo awoodda Iiraan ee weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa rayidka ah ee maraya Marinka Hormuz.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku yiri: "Iiraan doorasho khaldan ayay samaysay. Hadda qiimaha ayay bixinaysaa."

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo digniino gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn laga soo saaray dalalkaas. Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo ridday gantaallo ay sheegtay inay Iiraan soo tuurtay, halka qaraxyo laga maqlay gudaha dalkaas.

Xiisadda sii xoogeysaneysa ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu maalmo ka hor sheegay in heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka uu "dhammaaday."

Marinka Hormuz ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hortaagan wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka billowday 28-kii Febraayo. Ka hor dagaalka, ku dhowaad shan-meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee caalamka lagu kala iibsado ayaa mari jiray marinkan.

Markabkii weerarka lagu qaaday ayaa watay calanka Qubrus, waxaana Taliska Dhexe ee Mareykanka uu sheegay inuu soo gaaray burbur weyn oo gaaray qeybta matoorrada, iyadoo hal shaqaale rayid ah weli la la'yahay.

Hay'adda UK Maritime Trade Operations ayaa sheegtay in markabku marayay meel u dhow xeebaha Cumaan, waddo ay maraakiib badani u adeegsadaan inay uga fogaadaan biyaha Iiraan. Shaqaalihii markabka ayaa ka baxay kadib markii uu dab qabsaday.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in maraakiib dhowr ah ay iska dhega tireen digniino iyo amarro lagu farayay inay beddelaan waddadooda, isagoo sheegay in mid ka mid ah maraakiibta lagu dhuftay rasaas digniin ah oo lagu qasbay inay joogsato.

Tehran ayaa ku dhawaaqday in Marinka Hormuz uu sii xirnaan doono "ilaa amar dambe", waxayna ka digtay inay beegsan karto saldhigyo kale oo gobolka ku yaalla haddii weerarro kale lagu qaado.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in weerarrada Mareykanka ay beegsadeen Bandar Cabbaas, Siirik iyo deegaanno kale oo ku teedsan Marinka Hormuz.

Dhacdadan ayaa timid kadib wada-hadallo Sabtidii dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan oo ku saabsanaa xaaladda Marinka Hormuz. Dowladda Cumaan ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadallada farsamo iyo kuwa siyaasadeed, hase yeeshee Iiraan ma aysan bixin ballanqaadkii Mareykanku doonayay ee ahaa in marinka si buuxda dib loogu furo maraakiibta caalamiga ah.

Hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu u aargudi doono dilkii aabihii, Ayatollah Cali Khamenei, oo lagu dilay weerarradii ugu horreeyay ee dagaalka 28-kii Febraayo.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee Iiraan ay fuliyeen garab mayal adag oo doonaya inuu burburiyo xabbad-joojinta, inkastoo Tehran ay ku adkeysatay in hoggaankeedu mideysan yahay.

Wasaaradda Caafimaadka Iiraan ayaa sheegtay in weerarradii hore ee Mareykanka toddobaadkii la soo dhaafay ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof, halka 115 kalena ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM