Mareykanka oo duqeyn dhanka cirka ah ku dilay naftii-halige

Image
Is-miidaamiyaha ayaa lagu waramay in lagu beegsadey meel u dhow garoonka diyaaradaha Kabul.

KABUL, Afghanistan - Fahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya warar sheegaya in Mareykanka uu maanta duqeyn ku qaaday xubno looga shakisan yahay kooxda dowladda Islaamiga ah ee IS-K.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hawlgalka oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn lala beegsaday naftii hure ah oo saarnaa gaari doonayay inuu weerar ka geysto garoonka diyaaradaha ee Kabul.

"Waxaan ku kalsoonahay inaan burburinay bartilmaameedkii aan hiigsanaynay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan milatariga kaasoo u waramay telefishinka CBS ee Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray: "Warbixinnada hore waxay muujinayaan in aysan jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah," ayuu yiri sarkaalka, isagoo raaciyay: "Qaraxyada labaad ee ka dhashay gaariga waxay muujinayaan inay jiraan walxo qarxa oo aad u badan".

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sidoo kale xusay in weerarka cirka ee Mareykanka uu bartilmaameedsaday qof la tuhunsan yahay inuu ahaa is-miidaamiye gaari saarnaa, sida ay qortay wakaaladda AP.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii goobjoogayaal ay soo sheegeen gantaal ku dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha, inkasta oo aysan caddeyn haddii labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.

Laba qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kabul maalintii Khamiistii ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 170 qof oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Gabdho Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Labada gabdhood, oo racfaan ka qaadan kara xukunka, ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

  • Caalamka

    25-01-2025

  • 05:28AM

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM