Mareykanka oo Golaha Amamanka horgeeyay qaraar la xiriira Gaza

Image
Qaraarkan ayaa waxa uu ka dhashay soo jeedin ka timid madaxwayne Joe Biden.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyo qaraar lagu taageerayo soo jeedinta ka timid madaxweyne Joe Biden ee lagu soo afjarayo dagaalka Israa'iil ee Gaza.

Qaraarkan ayaa loo qeybiyay qoraal qabyo ah isaga oo ka kooban hal bog oo lawada gaarsiiyay dhamaan 15 xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka.

Sidoo kale, qaraarku wuxuu u baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo taageersan mana jiro diidmo uu illaa haatan kala kulmay Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Shiinaha ama Ruushka.

Qabyo-qoraalka "wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu u hoggaansamaan qodobbada heshiiska marka la isku raaco, iyada oo ujeedadu tahay in la joojiyo colaadda joogtada ah."

"Madax iyo dowlado badan oo uu ku jiro gobolka ayaa taageeray qorshahan, waxaana ugu baaqaynaa golaha ammaanka inay ku biiraan si ay ugu baaqaan hirgelinta heshiiskan iyadoon dib u dhac iyo shuruudo kale jirin," ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM