Mareykanka oo helida Fiisooyinkiisa ku xiray shuruudo adag

Image

WASHINGTON - Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hadda kaddib dadka soo dalbanaya fiisooyinka ama dal-ku-galka Mareykanka looga baahanyahay in ay soo gudbiyaan teleefannadooda, e-mail-adooda iyo cinwaanada ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Sharcigan cusub ayaa faraya dhamaan dadka soo dalbanaya dal-kugalka qaxootinimada iyo kuwa sida caadiga ah u yimaada Mareykanka, in ay safaaradaha ay fiisooyinka ka dalbanayaan ay u gudbiyaan nambarada telefoonada, cinwaanada emailada iyo baraha bulshada ay isticmaaleen shanti sano ee lasoo dhaafay.

Qof kasta oo soo dalban doono fiisooyinka Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa la weydiin doonaa in qof qoyskooda ka mid ah uu ku lug yeeshay ficillo argagixiso iyo in kale.

Saraakiisha wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in xeerkaan cusub uu saameyn doono ku dhawaad 15 milyan oo ajnabi ah.

Laakin wax saameyn ah kuma yeelan doono diblamaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladaha caalamka ee la aqoonsanyahay ee raba in ay yimaadaan Mareykanka.

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM