Mareykanka oo hub ka iibinaya Israel xili colaada Gaza jirto

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa $735 milyan wuxuu hub kaga iibinayaa Yahuuda xilli Israel ay duqeymo ka fulineyso Gaza todobaadkii labaad taasoo sababtay geeridaa in ka badan 200 ruux - oo ku dhowaad 50 kamid ah caruur yihiin.

Hay'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty oo cambaareysay talaabadan waxay ku sifeysay "mas'uuliyad darro" iyo "in ay burineyso sheegashada Washington ah ee la xisaabtanka kuwa ku tumanaya xuquuqda bini'aadamka".

Washington ayaa markii sadexaad muddo laba asbuuc gudahiisa ah waxay is-hortaagtay baaq ka dhan ah Israel oo golaha ammaanka uu kasoo saari lahaa saddex shir deg-deg ah oo uu ka yeeshay colaada kasoo cusboonaatay gobolka Bariga Dhexe.

Geesta kale, Milatariga Yahuuda ayaa duqeeyay Lubnaan. Weerarkan waxay uga jawaabayeen lix gantaal fashilmay oo laga soo ganay koonfurta dalkan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Qaramada Midoobay ayaa waxay dhinacyadda ku boorisay in ay muujiyaan "is-xakameyn heerkeedu sareyso".

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in maamulkiisa uu taageerayo xabad-joojin ka dhacda Gaza, balse wuxuu taageero u muujiyey Israa'iil, isagoo tibaaxay "in ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo weerarada".

Washington ayaa markii sadexaad muddo laba asbuuc gudahiisa ah waxay is-hortaagtay baaq ka dhan ah Israel oo golaha ammaanka uu kasoo saari lahaa saddex shir deg-deg ah oo uu ka yeeshay colaada kasoo cusboonaatay gobolka Bariga Dhexe.

Ilhaan Cumar, xildhibaanad ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka, ayaa cambaareysay dib-u-dhaca uu Mareykanka ku keenay xabad-joojinta, waxaana ay xustey in arrintaas ay ka dhalatay geerida caruur iyo burburka naf badan.

"Biden waa waajib in uu u dhaqaaqo sidii uu u soo afjari lahaa qabshadda xooga ah," ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda gaarka ah ee xiriirka dadweynaha ee mareegga Twitter-ka halkaasoo taageereyaal badan ay ku leedahay Marwo Ilhaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin $28,000 looga dhacay xiriir jaceyl oo loo adeegsaday 'gabar' AI ah

Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah.

  • Caalamka

    26-02-2025

  • 02:12PM

Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saaca.

  • Caalamka

    25-02-2025

  • 09:09AM