Mareykanka oo ku baaqay in Gaza laga hirgeliyo xabad-joojin degdeg ah

Image
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa fariintan hawada soo marisay.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza, waxayna ku qeexdey xaaladda Qaza "mid aad u ba'an."

Intii lagu guda jiray hadallo ay ka jeedisay Alabama oo lagu xusayay sannad-guuradii 59-aad ee Axaddii Dhiig-baxa, Harris ayaa sheegtay in xabbad-joojintu ay keeni karto la haystayaal iyo in gargaar la gaarsiiyo Gaza.

"Marka la eego baaxadda dhibaatada Gaza, waa in ay jirtaa xabbad joojin degdeg ah ugu yaraan lixda toddobaad ee soo socota, taas oo ah waxa hadda miiska saaran," ayay raacisay.

"Tani waxay noo ogolaanaysaa inaan dhisno wax sii waaraya si loo hubiyo in Israa'iil ay ammaan tahay iyo in aan ixtiraamno xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee sharafta, xorriyadda iyo aayo-ka-tashiga," ayay tiri.

Munaasabadda Axadii Dhiig-baxa ayaa ah maalintii saraakiisha sharciga gobolka Alabama ay weerareen dibadbaxayaasha Xuquuqda Madaniga ah ee buundada Edmund Pettus ee Selma.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM