Mareykanka oo Soo Riday Gantaal Xuutiyiinta Iran Taageersan Ku Soo Tuureen

Image

Ciidamada Mareykanka ayaa soo riday gantaal ay soo rideen kooxaha Xuutiyiinta ee taageerada ka helaya Iran, sida ay sheegeen saraakiil, taasoo ah weerarkii ugu horreeyay ee la ogyahay ee kooxdaan ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka tan iyo markii Washington bilowdey weerarradeeda cirka ee ka dhanka ah dalka Yemen.

Diyaarad dagaal oo Mareykan leeyahay ayaa soo ridday gantaalka lidka maraakiibta ka dib markii laga soo riday aag ay Xuutiyiintu maamulaan kaas oo ku wajahnaa markabka USS Laboon oo marayey Badda Cas, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) maalintii Axadda.

“Gantaalka waxaa lagu soo riday meel u dhow xeebta Hodeida iyadoo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka Mareykanka,” ayuu yiri CENTCOM. “Ma jirin wax khasaare ama waxyeelo ah oo la soo sheegay.”

Weerarkan waa kii ugu horreeyay ee Mareykanku qirto tan iyo markii Washington iyo xulafadeedu Jimcihii bilaabeen inay fuliyaan weerarro cir iyo gantaallo cruise ah oo ka dhan ah Yemen, kuwaas oo jawaab u ah weerarrada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.

Xuutiyiinta, oo weli aan qiran dhacdadan ugu dambeysay, ayaa fuliyay weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah maraakiibta xamuulka oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil, taasoo muujinaysa taageero ay u hayaan Falastiiniyiinta ku hoos jira duqeynta Israa’iil ee Gaza.

Ugu yaraan 26 maraakiib ayaa Xuutiyiintu weerareen tan iyo markii ay qabsadeen markabka Galaxy Leader ee xiriirka la leh Israa’iil bishii November.

Weerarradaasi waxay ku qasbeen qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ugu waaweyn adduunka inay maraakiibtooda u leexiyaan agagaarka "Cape of Good Hope" ee dhinaca koonfureed ee Afrika, taasoo si weyn u carqaladeeysay ganacsiga caalamiga ah.

Isu socodka maraakiibta ee Badda Cas, waxaa uu caadi ahaan fududeeya dhaqdhaqaaqa alaab qiimaheedu yahay $3 bilyan ilaa $9 bilyan maalin kasta, kaas oo hoos u dhacay in ka badan 40 boqolkiiba tan iyo bilowgii weerarrada.

Horaantii maalinta Axadda, afhayeenka Xuutiyiinta, Mohammed Abdulsalam, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay ku xadgudbeen madaxbannaanida qaranka iyagoo diyaarado dul maraya hawada iyo aagagga xeebaha Yemen, in kasta oo aan caddeyn in labada dhacdo isku xirnaayeen iyo in kale.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM

Maraykanka oo ku eedeeyay Ruushka inuu maalgeliyo labada dhinac ee dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan waxa uu noqday midkii ugu dhimashada badnaa, waxayna QM ku qiyaasaysaa illaa 26,000 oo qof in la dilay.

  • Caalamka

    07-01-2025

  • 02:08PM