Mareykanka oo wajahaya khal-khal dhinaca dastuurka ah

Image

WASHINGTON, United State – Xeer-ilaaliyaha guud wadanka Mareykanka, William Barr, ayaa waxa uu wajahaya cod-bixin ka dhan ah isaga oo ku aadan in uu sameeyay amar-diido.

Talaabada codka kalsoonida loogu qaadayo Barr ayaa waxaa go’aamiyey Guddiga arrimaha garsoorka u qaabilsan Golaha Wakiilada.

Xubnaha dimoqraadiyiinta ee ku jira Guddiga oo talaabadaasi naadirka ah qaaday ayaa sii kordhisay xiisad ka dhalatay warbixinta baaraha gaarka ah.

Warbixintii baaraha gaarka ah, Roberto Muller, ayaa daarneed farogelin la sheegay in uu Ruushka ku sameeyay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Donald Trump ayaa digreeto madaxweyne ku laalay in warbixinta loola wadaago bulshadda, maadaama ay arrimo xasaasi ah ku jiraan iyo cabsi uu ka qabo in ay faafto.

Aqalka Cad iyo Congress-ka oo eedeymo isu jeedinaya ayaa midba kan kale ku dhaliilaya in uu ku tagfrilayo awooda uu shacabku u siiyey in ay ugu adeegaan qaranka.

Warbixinta baaraha gaarka ah laguma soo qaadin hadii uu jiro shirqool dambi ah, oo dhex-maray Moscow iyo olalihii Trump taasi oo saameyn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada Mareykanka ee 2016-kii.

Sikastaba ha ahaatee, Muller ayaa waxa uu fahfaahin ka bixiyey tobban isku day oo uu Mr Trump sameeyay si uu ukala dhentaalo baaritaanka, taasi oo Aqalka Cad uu gaashaanka ku dhuftay.

Geesta kale, guddiga arrimaha sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u yeeray wiilka ugu wayn Trump ee Donald Jr, kaasi oo ay wax ka waydiin doonaan kulan uu la yeeshay muwaadiniin Raashiyaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM