Mareykanka oo weerar ku dilay 40 Daacish ka tirsanaa

Image

TRIPOLI— Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maanta weeraray xero tababar oo ku taalla galbeedka Libya, kuna dhow xuduudda Suuriya, ayaga oo dilay bartilmaameed muhiim ah iyo tobaneeyo qof oo loo qoray argagixisanimo.

Saraakiil difaac oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in duqeynta ay u badan tahay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu magacaabo Noureddine Chouchane, kaasi oo lala xiriirinayo laba weerar oo argagixiso oo sanaddii tagtay ka dhacay dalka Tunisia.

Weerarka Mareykanka ayaa waxaa loola dan lahaa xero ku taalla magaalada Sabratha oo 75 KM u jirta galbeedka Tripoli. Dadka deegaanka ayaa sheegay in illaa afartan qof lagu dilay weerarka.

Dadka la dilay badankood ayaa la rumeysan yihiin inay yihiin dagaalyahanno cusub oo kooxda Daacish kusoo biiray, sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah.

VOA

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM