Mareykanka oo xaqiijiyay in uusan dooneyn dagaal uu la galo Iran

Image
duqeymaha ciidamada Mareykanka ay habeenkii jimcaha ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalkaasi

Washington (GO) - Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in Maraykanka doneyn dagaal kala dhaxeeya Iran, ka dib markii ay ciidammada Maraykanku duqeeyeen tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Tehran.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dalkiisa uu xilligan dooneyn dagaal.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Washington aysan dooneyn inay weerarto dhulka Iran, ka dib weerarkii lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Jordan.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Mareykanka uu maanta la beegsaday ciidamada Quds ee Iran iyo kooxaha xiriirka la leh "ay yihiin bilowga jawaabta."

Dhankiisa, afhayeenka rasmiga ah ee taliyaha guud ee ciidamada Ciraaq, Yahya Rasuul, ayaa xaqiijiyay in duqeymaha ciidamada Mareykanka ay habeenkii jimcaha ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalkaasi ay xadgudub ku yihiin madax banaanida Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM