Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay dad ay wasiiro ku jiraan

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub saaray 22 qof oo ay ku jiraan afar wasiir oo ka tirsan dowladda Myanmar "si looga jawaabo afgambigii militariga ee bishii Febraayo iyo weerarada ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyadda ee waddankaas".

Talaabo laba afle ah, Waaxyaha Canshuuraha iyo Ganacsiga ayaa Jimcihii ku dhawaaqay ciqaabyada oo qayb ka ah jawaabta joogtada ah ee Washington ee ku aaddan inqlaabkada dowladda Aung San Suu Kyi ee ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka Nobel.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in cunaqabateyntan cusub lasoo rogay "iyadoo laga jawaabayo ololihii naxariis darrada ahaa ee rabshadaha ay wadeen ciidamada militariga Burma iyo in la sii wado cadaadiska meesha looga saarayo afgambigaas militari".

"Cunaqabateyntu ma beegsaneyso dadka Myanmar, laakiin waxaa looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo milatariga inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wadadii Burma (Myanmar) ee dimuqraadiyadda," ayuu yiri Blinken.

Xayiraadan ayaa lagu bartilmaameedsaday wasiirka warfaafinta ee Myanmar Chit Naing, wasiirka maalgashiga Aung Naing Oo, wasiirka shaqada iyo socdaalka Myint Kyaing, iyo Thet Thet Khine, wasiirka arimaha bulshada, gargaarka iyo dib-u-dejinta.

Saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Maamulka Gobolka ee awoodda badan ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn; sidoo kale 15 mas'uul kale oo aan la magacaabin ayaa lagu soo rogay xayiraada.

Cunaqabateynta ayaa ka dhigan in dhammaan hantida taala Mareykanka ee ku xusan magaca shaqsiyaadka ay xayiraad saaran tahay, dadweynaha Ameerikaanka ah ama kuwa ku noolna dalkaas waxaa ka mamnuuc ah in ay la falgalaan hantidaas ama macaamil ganacsi dulsaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM