Mareykanka oo xayiraad saarey saraakiil reer Iiraan ah

Image

WASHINGTON, USA – Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran (IRGC) kuwaasoo uu ku lagu inay ku lug lahaayeen xadgudubyo xuquuqda aadanaha oo ka dhan ah maxaabiista siyaasadeed ee Iran iyo dibadbaxayaasha.

Bayaan ay Talaadadii soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa waxay ku sheegtay Ali Hemmatian iyo Masoud Safdari, oo ay ku tilmaamtay inay kamid yihiin baarayaasha IRGC, qoysaskooda dhowna laga hor istaagi doono inay Mareykanka soo galaan.

Waaxda ayaa ku eedeysay labada qof inay ku lug lahaayeen "xadgudubyada guud ee xuquuqda aadanaha, sida jirdil iyo/ama falal naxariis daro oo bini'aadanimada ka baxsan, ama sharaf dhac ama ciqaab loo geysto maxaabiista siyaasadeed iyo dadka la xiray intii lagu jiray mudaaharaadyadii sanadihii 2019 iyo 2020 ee Iran".

Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray "Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa la xisaabtanka kuwa ku xadgudba sharciga".

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dowladda Iiraan ay ku jiraan xaalad cakiran marka loo eego dadaalka loogu jiro dib ugu laabashada heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii kaasoo ay Tehran looga xakameynaayey barnaamijkeeda nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta caalamiga ah.

Maamulkii Biden ka horeeyay ee Donald Trump ayaa si iskiis ah uga baxay heshiiskii 2018, taasoo qeyb ka ahayd ololihii "cadaadiskii ugu badnaa" ee u arkayey in Mareykanku cunaqabateyn dhaqaale oo badan ku soo rogay Iran.

Iran ayaa diiday dalabka maamulka Biden ee ahaa inay marka hore ku laabato u hogaansamida si buuxda heshiiskii nukliyeerka, taa badalkeed waxay ugu baaqdey Mareykanka inuu yahay dhinacii heshiiska ka baxay isla markaana sameeyo talaabada ugu horeysa lagana qaado cunaqabateynta saaran.

Biden wuxuu sidoo kale wajahayaa cadaadis gudaha ah oo ku saabsan qorshayaashiisa inuu ku laabto heshiiska , isaga oo loogu baaqayo in uu qaab diblomaasiyad ula xaajoodo Iiraan taasoo muuqaneysa in irdaheeda ay soo xirmi doonan kadib xayiraadda Washington saartay shaqsiyaadka reer Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM