Mareykanka, UK iyo Australia oo ku dhawaaqay isbaheysi cusub

Image
Is-xulafeysigan ayaa lagu tilmaamay isku-day lagu xakamaynayo awooda sii kordheysa ee Shiinaha.

WASHINGTON, USA - Dowladaha Australia, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa shalay si wadajir ah waxay ugu dhawaaqeen isbahaysi cusub oo dhanka amniga kaasoo ah saddex geesoodka.

Is-fahamka waxaa qeyb ka ah dadaal wadajir ah oo lagu caawinayo milatariga Australia inay helaan maraakiibta qumaatiga ee nukliyeerka. Tani waxay u muuqataa isku-day looga hortagayo Shiinaha.

Hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa daaha ka rogay isbahaysiga - oo loogu magac daray AUKUS - Arbacadii. Waxay carrabka ku adkeeyeen in maraakiibta gujiska ah ay noqon doonaan kuwo ku shaqeeya nukliyeer, oo aan qaadi doonin hubka nukliyeerka.

Australia oo kamid ah saxiixayaasha heshiiska yareynta bacraminta Nukliyeerka (NPT) ayaa sheegtay in ay damacsan tahay in ay dhisto sideed gujis oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka.

Isaga oo la hadlaya Ra'iisul wasaaraha Australia Scott Morrison iyo dhiggiisa UK Boris Johnson, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in saddexda waddan ay qaadayaan "tallaabo taariikhi ah" si ay u sii xoojiyaan iskaashigooda.

Is-xulafeysigan ayaa imaanaya iyada oo uu sii kordhayo tartanka u dhexeeya Beijing iyo Washington iyo xulufadeeda Aasiya Pacific, gaar ahaan Taiwan iyo Muranka Badda Koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.

China waxay baddaas u aragtaa in ku dhawaad ​​gebi ahaanba in ay iyaddu leedahay iyada oo ay jiraan dalabyo iska soo horjeeda oo ay wadaan dalal kale oo ay ka mid yihiin Vietnam, Philippines iyo Malaysia.

Sanadihii la soo dhaafay, Shiinuhu wuxuu ka dhisay Badda Koonfurta Shiinaha jasiirado macmal ah oo uu isu rogay goobo ciidan, wuxuuna geeyey ilaaladiisa xeebaha iyo ilaaliya maleeshiyada badda.

Bishii Janaayo, waxay meel-marisay sharci u oggolaanaya ilaalada xeebaha inay rasaas ku ridaan maraakiibta shisheeye. Tani waxay ka careysiisay quwadaha aduunka oo ku tilmaamay daandaansi dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Magacaabay Wasaarad Cusub oo uu Elon Musk Hoggaaminayo

Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wasaaradda cusub…

  • Caalamka

    13-11-2024

  • 04:47AM

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartey xaalada Gaza iyo Lubaan

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

  • Caalamka

    12-11-2024

  • 06:32AM