Mareykanku oo bilaabayo musaafurinta malaayiin muhaajiriin ah

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay soo qabqabtaan dadka muhaajiriinta ah ee go’aamada musaafurintooda horey loo gaaray.

Howlgalka dadkaasi lagu soo qabqabanayo ayaa bilaabanaya Axadda berita ah sida ay warinayaan warbaahinta Mareykanka.

Howlgalkan ayaa markii ugu horeysay waxaa shaacisay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo ilaa iyo 2 Kun oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka oo ay dadka muhaajiriinta ah ee dalkan soo gala ay ka soo degaan, sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles.

Washington Post waxay sheegtay in xogta la xiriirta soo qabqabashada dadkan ay ka heshay sadex sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka oo magacooda qariyay.

Wargeyska The Miami Herald ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee la bartilmaameedsanayo ay ka midyihiin Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco.

Dhinaca kale, madaxweyne Trump ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka Isniintii la soo dhaafay ku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga.

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM