Markab laga badbaadiyay in lagu afduubo Xeebaha Yemen

Image

YEMEN - Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ayaa burburiyay saddex ka mid ah afar doonyood oo yar yar oo ay adeegsadaan dagaalyahanada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran si ay u weeraraan markabka Maersk ee konteenarada qaada oo marayay koonfurta badda cas, sida uu sheegay militariga Mareykanka Axada maanta ah.

Diyaaradaha USS Eisenhower iyo USS Gravely, oo ka jawaabayay baaqyada murugada leh ee ka imaanayay markabka Maersk Hangzhou, ayaa rasaas ku soo celiyay doonyaha Xuutiyiinta iyagoo is difaacaya, waxayna dejiyeen saddex ka mid ah, iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Doontii afraad ayaa meesha ka baxsatay, sida lagu yiri qoraalka lagu baahiyay baraha bulshada ee CENTCOM.

Shirkadda maraakiibta Maersk ayaa xaqiijisay in shaqaalihii markabka ay soo sheegeen in 30-kii Disembar lagu weeraray meel 55 nautical miles koonfur-galbeed ka xigay Al Hodeidah.

Shaqaalihii markabka ayaa badqaba mana jirin wax dhaawac ah oo markabka soo gaarey, wuxuuna sii watay safarkiisa waqooyi ilaa Port Suez.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan badda cas, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee dagaalka kula jirta Israel gudaha Qaza.

Xuuthiyiinta ayaa maraakiibta ganacsi ku weerara mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan badda ee gacanka Bab al-Mandab, iyagoo dalbanaya in Israel ay soo afjarto dagaalka naxariis darada ah ee ay ka wado Qaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM