Markab laga badbaadiyay in lagu afduubo Xeebaha Yemen

Image

YEMEN - Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ayaa burburiyay saddex ka mid ah afar doonyood oo yar yar oo ay adeegsadaan dagaalyahanada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran si ay u weeraraan markabka Maersk ee konteenarada qaada oo marayay koonfurta badda cas, sida uu sheegay militariga Mareykanka Axada maanta ah.

Diyaaradaha USS Eisenhower iyo USS Gravely, oo ka jawaabayay baaqyada murugada leh ee ka imaanayay markabka Maersk Hangzhou, ayaa rasaas ku soo celiyay doonyaha Xuutiyiinta iyagoo is difaacaya, waxayna dejiyeen saddex ka mid ah, iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Doontii afraad ayaa meesha ka baxsatay, sida lagu yiri qoraalka lagu baahiyay baraha bulshada ee CENTCOM.

Shirkadda maraakiibta Maersk ayaa xaqiijisay in shaqaalihii markabka ay soo sheegeen in 30-kii Disembar lagu weeraray meel 55 nautical miles koonfur-galbeed ka xigay Al Hodeidah.

Shaqaalihii markabka ayaa badqaba mana jirin wax dhaawac ah oo markabka soo gaarey, wuxuuna sii watay safarkiisa waqooyi ilaa Port Suez.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan badda cas, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee dagaalka kula jirta Israel gudaha Qaza.

Xuuthiyiinta ayaa maraakiibta ganacsi ku weerara mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan badda ee gacanka Bab al-Mandab, iyagoo dalbanaya in Israel ay soo afjarto dagaalka naxariis darada ah ee ay ka wado Qaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM