Markab lala xiriiriyey bilyineer Yahuud ah oo la weeraray

Image
Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Khamiista. Markabka la beegsaday wuxuu watay calanka Liberia. [Photo: Online]

DUBAI, UEA - Markab shidaal oo xiriir la leh bilyaneer u dhashay Israel ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray xeebta Cumaan ee badda Arabian, sida ay masuuliyiintu sheegeen Jimcada maanta ah, iyadoo faahfaahinta dhacdadan ay ahayd mid aad u yar.

Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Khamiista. Markabka la beegsaday wuxuu watay calanka Liberia. Magaciisu waa Mercer Street. Markii falku dhacayey wuxuu maraya waqooyi-bari jasiiradda Camaani ee Masirah. Goobtan waxay qiyaastii 300 kiiloomitir (185 mayl) u jirtaa dhanka koonfur-bari caasimada Cumaan ee Muscat.

Cumaan wali kama hadlin weerar waxaana saraakiishii halkaas joogtay aysan ka jawaabin codsiyada in ay faallooyin ka bixiyaan. Markabka 5-aad ee Ciidanka Badda Mareykanka, oo roondo ku sameynaya Bariga Dhexe, ayaanan ka jawaabin codsiyada faallooyinka.

Maraakiib kale oo lala xiriirinayo Israel ayaa la bartilmaameedsaday bilihii la soo dhaafay iyo sidoo kale dagaal daahsoon oo u dhexeeya Iiraan iyo Yahuuda uu socdo, iyada oo saraakiisha Israel ay ku eedeeyeen weerarada Jamhuuriyaddaas Islaamiga ah.

Dhanka kale, Israa’iil waxaa looga shakiyay weeraro is daba joog ah oo waaweyn oo lagu bartilmaameedsanayay barnaamijka nukliyeerka Iran oo dowlado badan ay ka dhawaajiyeen in ay si weyn u horumarineyso Tehran.

Dhacdadan ayaa timid iyada oo ay jirto xiisad aad u saraysa oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka ee Iran. Wadahadaladii ku saabsan soo celinta heshiiska joojinta bacraminta Nukliyeerka Iiraan taasoo Mareykanka uu horey si iskiis ah uu isaga baxay.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Donald Trump si kaligiis ah uga saaray Mareykanka heshiiskii 2018, waxaa jiray weeraro is daba joog ah oo maraakiib ah oo ka dhacay gobolka kuwaasoo looga shakisan yahay inay fulisay Tehran.

Warbaahinta Iran ayaa soo xigatay warbixinno shisheeye oo ku saabsan weerarka, laakiin ma aysan faahfaahin. Tani waa markii labaad ee bishan markab ku xiran Ofer sida muuqata la bartilmaameedsaday.

Horraantii Luulyo, markab sitaay calanka Liberia ee loo yaqaan CSAV Tyndall, oo markii ku xirtey badda Zodiac, ayaa la qarxiyey. Faahfaahin lagama bixin shixnadda markabka xilli uu ku sugnaa waqooyiga badda Hindiya, sida uu sheegay Maamulka Badaha ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM