Mas'uul uu magacaabay Trump oo xabsi loo taxaabay

Image

WASHINGTON, USA – Hay'ada FBI-da ayaa xabsiga dhigtay kaaliye hore kana tirsanaa wasaarada arimaha dibada ee maamulkii madaxweynihii hore Donald Trump oo lala xiriirinayo duulaankii 6-dii Janaayo lagu qaaday xarunta Capitol ee Mareykanka, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga Mareykanka.

Sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee New York Times, Federico Klein ayaa waxaa lagu eedeeyay galitaanka sharci darrada ah, rabshad iyo dhaqan xumo, iyo carqaladeynta Congress iyo sharci fulinta.

Waa xubintii ugu horreysay ee maamulka Trump ee ay ku lug yeelato duulaanka xarunta Capitol ee taageerayaasha madaxweynihii hore iyagoo isku dayaya in ay meesha ka saaraan natiijooyinka doorashadii madaxtinnimada ee dhacday bishii Nofeembar ee uu muranka dhaliyey Trump.

Wargeysku wuxuu sheegay in 42-sano jir Klein ay ka soo shaqeysay ololihii Trump ee 2016-ka uuna bilaabay in uu ka shaqeeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxyar kadib guushii Trump. Rabshadaha ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyadda caafimaad, waxaa ku dhintay shan qof.

Saaxiibkiisii hore ayaa u sheegay shabakadda Politico in Klein uu la soo shaqeeyay xafiiska Brazil iyo arrimaha Koonfurta ka hor inta aan loo wareejin xafiiska gacanta ku haya codsiyada Sharciga Xorriyadda Macluumaadka.

Shaqsigan uu magacaabay Trump, sidda ay ku warantay NYT oo soo xiganeysa dukumiintiyadda baareyaasha gal-dacwadeedka, waxaa lagu arkay muuqaallo rabshadaha isaga oo weeraray saraakiisha ammaanka.


"Wuxuu xirnaa koofiyad "Make America Great Again" waxaana la arkaayaa isagoo isku dayaya inuu ku riixo saf saraakiil ah oo ku yaal tunel-ka u dhow barxadda galbeed ee dhismaha Capitol sidoo kale wuxuu isku dayay inuu ku riixo albaab laga soo galo dhismaha, halkaas oo uu jir ahaan iyo hadal ahaan ula xarbinayey saraakiisha safka ku jira, " ayay ku darayeen dukumiintiyada.

FBI-da ayaa sheegtay in Klein uu wali u shaqeeyo Waaxda Arimaha Dibadda markii uu falka dhacayay, ayna ilaalinaysay cadeynta sirta ah.

Hay'addu horey ayay u sii daayay sawirka Klein, waxaana ay heshay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan shaqsiyadiisa kahor xariga.

Dacwad oogayaasha heer federaal ayaa ilaa iyo hada dacwad ku soo oogay in ka badan 300 oo qof oo lala xariirinayo ku xad gudubka dhismaha baarlamaanka Mareykanka. Kuwaas waxaa ka mid ah xubno ka tirsan kooxda midig-fog ee Proud Boys iyo maleeshiyada Oath Keepers.

Trump sidoo kale waxaa xil ka qaadis ku sameeyay Golaha Wakiilada isaga oo lagu eedeeyay "u kicinta kacdoon" ololihiisa una adeegsaday warar been abuur ah oo horseeday rabshadaha iyo isu soo bax dhabaha u xaarey in xarunta Capitol-ka ay wajahdo xaalad amni darro ah iyo khalkhal.

Balse, waxaa maxkamadeyntiisa diidey Aqalka Sarre ee Jamhuuriyiinta ku badan yihiin. Madaxwaynihii hore ayaa wali wajihi kara dacwado kaga yimaadda maxkamadaha dowlada dhexe iyo kuwa maxalliga ah oo la xiriirta doorka uu ku lahaa hurinta rabshadaha uu ciwaanadiisa baraha bulshada uu ku waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM