Masar iyo Iran oo si wadajir ah uga soo horjeestay barakicinta shacabka Falastiin

Image
Wasiirada Arrimaha dibadda labada dal ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu riixayo xabbad-joojin.

Qaahira (GO) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Iran, Sameh Shoukry iyo Hussein Amir Abdollahian, ayaa ku dhawaaqay inay gabi ahaanba diideen qorshe kasta oo la doonayo in Falastiiniyiinta looga barakiciyo dhulkooda, laguna baabi’iyo qadiyadda Falastiin.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar labada wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu riixayo xabbad-joojin degdeg ah, lagana shaqeeyo sidii gargaar bini'aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Marinka Qasa, iyadoo la raacayo go’aammada Golaha Ammaanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in kulanka looga hadlay halka uu marayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo la raacayo awaamiirta ay soo saareen Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi.

Shir madaxeedkii Carabta iyo Islaamka ee ka dhacay Riyadh bishii November ee la soo dhaafay, ayaa lagu qeexay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xalinta caqabadaha taagan si loo xaqiijiyo danaha shacabka Masar iyo Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM