Masar iyo Iran oo si wadajir ah uga soo horjeestay barakicinta shacabka Falastiin

Image
Wasiirada Arrimaha dibadda labada dal ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu riixayo xabbad-joojin.

Qaahira (GO) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Iran, Sameh Shoukry iyo Hussein Amir Abdollahian, ayaa ku dhawaaqay inay gabi ahaanba diideen qorshe kasta oo la doonayo in Falastiiniyiinta looga barakiciyo dhulkooda, laguna baabi’iyo qadiyadda Falastiin.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar labada wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu riixayo xabbad-joojin degdeg ah, lagana shaqeeyo sidii gargaar bini'aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Marinka Qasa, iyadoo la raacayo go’aammada Golaha Ammaanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in kulanka looga hadlay halka uu marayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo la raacayo awaamiirta ay soo saareen Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi.

Shir madaxeedkii Carabta iyo Islaamka ee ka dhacay Riyadh bishii November ee la soo dhaafay, ayaa lagu qeexay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xalinta caqabadaha taagan si loo xaqiijiyo danaha shacabka Masar iyo Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM