Masar oo ku hanjabtay in ay ka baxeyso dhexdhexaadinta xaalka Gaza

Image
Tani ayaa ka dambeysay kadib eedeyn culus oo loo jeediyay xukuumadda Qaahira.

WASHINGTON, USA - Masar ayaa ku hanjabtay inay ka baxayso dhexdhexaadinta wadahadalka xabad-joojinta Gaza kadib markii CNN uu soo wariyay in sirdoonka Masar ay bedeleen shuruudaha soo jeedinta xabbad joojinta ee dhowaan burburiyey heshiiska.

"Isku dayga lagu doonayo in lagu shakiyo oo lagu xumeeyo dadaallada dhexdhexaadinta ee Masar ... waxay kaliya u horseedi doontaa dhibaatooyin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Gaza iyo gobolka oo dhan waxayna Masar ku riixi kartaa inay gebi ahaanba ka baxdo dhexdhexaadinta khilaafka hadda," ayuu Diaa Rashwan, madaxa Masar Adeegga Warfaafinta Dowladda, ku yiri bayaan lagu daabacay baraha bulshada.

Isagoo soo xiganaya saddex qof oo ka war haysa doodaha, telefishinka CNN ayaa Talaadadii sheegay in sirdoonka Masar ay beddeleen shuruudaha soo jeedinta xabbad-joojinta ee Israa'iil ay ogolaatay horaantii May.

"Markii Xamaas ay ku dhawaaqday 6-dii May inay aqbashay heshiiska, ma ahayn soo jeedintii dhexdhexaadiyeyaasha saaxiibada ah ee Mareykanka iyo Qatar ay u maleeyeen in Xamaas loo gudbiyay si ay dib u eegis ugu sameyso," sida uu sheegay CNN.

Isbadalada ay sameeyeen sirdoonka Masar ayaa caro ka dhex-dhaliyay saraakiisha Mareykanka, Israa’iil iyo Qatar, waxaana ay keentay in wadahadalka uu hakad galo, sida lagu sheegay warbixinta CNN.

CIA-da, oo agaasimeheeda William Burns kaaasoo hormuud ka ahaa dadaallada dhexdhexaadinta ee Mareykanka, ayaa diiday inay ka hadlo ama faallo ka dhiibto warbixinta.

Xiisada u dhaxeysa Masar iyo Israa’iil ee ka dhalatay howlgallada ciidamada Israa’iil ay ka wadaan magaalada Rafah ee ku taal cirifka koonfureed ee marinka Qaza, oo wax yar ka soo gala xadka Masar, ayaa sii kordheysay bilooyinkii dambe.

Tan iyo markii dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu billowday 7-dii Oktoobar, Masar waxa ay walaac ka muujisay in ololaha Israa’iil uu ku riixi karo dadka deggan dhulka Falastiin ee xuduudda, halkaas oo ay xoojisay ammaanka si ay uga hortagto falal amni darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM