Mas'uul Mareykan ah una gefay Soomaalida oo shaqada laga joojiyey

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne ku xigeenka mahcad ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa muddo 30 maalmood ah shaqada looga joojiyey markii ay u geftay soogalootiga Soomaaliyeed.

Kim Crockett ayaa xadgudubkaasi waxay ku geystay hadal ay siisey wargeyska afka dheer ee New York Times, waxaana hadaladeeda soo xigtay dad badan oo si weyn uga fal-celiyey.

Faaladaasi ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "'Dadkani kama imaanayaa Norway: Qaxootiga ku sugan Minnesota City ha wajahaan dib u celin".

Dadka ugu badan ee ka fal-celiyey aragtidaasi oo u badnaa kuwa kasoo horjeeda musaafurinta dadka kuna ku sifeeyay Islaam-naceyb ayaa ku codsanayey talaabo laga qaado Crockett.

Crockett, oo ka tirsan xarunta Center of the American Experiment, ayaa sidoo kale saxaafada u sheegtay in ay qorsheyneyso in ay ka dhiidhiso barnaamij dib u dejin loogu sameynayo qaxootiga.

Balse xarunta ay ka tirsan tahay ayaa Khamiistii war-saxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu cambaareeyay hadaladaasi muranka dhaliyey.

"Hadaladaasi kama turjumayaa aragtida Ururka. Waxaana soo dhaweynayaa guud dadka soo galootiga ah ee Minnesota kusoo galey qaab sharci ah," ayuu yiri John Hinderaker, madaxweynaha xaruntaasi.

Ugu dambeyntii, Crockett ayaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay waxay raaligelin kaga bixisay hadaladeeda, oo ay sheegtay in aysan ka turjumeyn shaqadeeda ama qiyam-keeda.

"Aad ayaan uga qoomameynayaa dhibatada aan u geystay saaxiibadey ka shaqeynaya sidii gobolkeena ay uga dhigi lahaayeen meel wanaagsan oo lagu noolaado iyo dadka reer Minnesota," ayay tiri.

Minnesota waa mid kamid ah gobolada Mareykanka ee ay aadka u degaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, halkaasi oo sanadihii lasoo dhaafey ay si weyn uga soo dhex-muuqanayeen siyaasada iyo dhaqdhaqaaqyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM