Maxaa dib loogu dhigay dhaqangelinta Heshiiskii Israa’iil & XMS?

Image

QASA (GO) - Heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa lagu waday inuu dhaqan galo subaxnimadii Khamiista, balse saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay inuusan dhaqangeli doonin ka hor Jimcaha.

Warbixin lagu faafiyay warbaahinta Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysa dib u dhigista rabitaanka Xamaas in Israa’iil ay joojiso dhaqdhaqaaq kasta ee ka sameeyaan gudaha marinka Qasa inta lagu jiro xilliga xabbad joojinta.

Wargeyska “Israel Today” ayaa Khamiistii sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaagan dhaqan gelinta heshiiska ay tahay in XMS ay codsigaas dhiibatay.

Xabbad-joojintu waxa ay dhigaysaa in dagaalka la joojiyo muddo 4 maalmood ah, iyada oo Xamaas sii daynayso 50 ka mid ah maxaabiista ay qabsadeen 7dii Oct, halka Israa’iil ay sii deyneyso 150 maxbuus oo falastiiniyiin ah, iyo in gargaar iyo shixnad shidaal la geeyo Marinka Qasa ee go’doonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM