Maxaa ka soo kordhay wadahadallada Suudaan?

Image

KHARTOUM (GO) - Mareykanka, Sacuudiga iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Talaadadii waxa ay ku sheegeen in ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ay isku raaceen fududeynta gargaarka bini’aadantinimo iyo fulinta tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

Hadalkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo ay socdaan wada-hadallo cusub oo u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda, kaasoo bishii hore dib uga furmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ay ka xun yihiin "in labada dhinac ay ku heshiin waayeen xabbad-joojin inta lagu guda jiray wadahadalka”.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku booriyeen labada ciidan ee Suudaan iyo RSF inay wax walba ka hormariyaan danta shacabka, oo ay hubka dhigaan, oo ay wada xaajood ku dhameeyaan khilaafkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM