Maxaa ka soo kordhay wadahadallada Suudaan?

Image

KHARTOUM (GO) - Mareykanka, Sacuudiga iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Talaadadii waxa ay ku sheegeen in ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ay isku raaceen fududeynta gargaarka bini’aadantinimo iyo fulinta tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

Hadalkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo ay socdaan wada-hadallo cusub oo u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda, kaasoo bishii hore dib uga furmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ay ka xun yihiin "in labada dhinac ay ku heshiin waayeen xabbad-joojin inta lagu guda jiray wadahadalka”.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku booriyeen labada ciidan ee Suudaan iyo RSF inay wax walba ka hormariyaan danta shacabka, oo ay hubka dhigaan, oo ay wada xaajood ku dhameeyaan khilaafkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM