Maxaa keenay inay Spain, Norway iyo Ireland isku mar aqoonsi siiyaan Falastiin?

Image

Hogaamiyayaasha Norway, Ireland iyo Spain ayaa sheegay in dalalkooda ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan Falastiin inay tahay dowlad xili “nabadda Bariga Dhexe” khatar ku jirto, taasoo keentay in Israa’iil ay si degdeg ah ugu yeerto ergadeeda.

Raiisel wasaaraha Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in xal laba dawladood ah ay dani ugu jirto Israa’iil, isaga oo intaa ku daray in aqoonsiga uu dhaqan-gali doono 28-ka May.

Wax yar ka dib ku dhawaaqistii Norway, Ra'iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa sheegay in dalkiisu uu sidoo kale aqoonsan doono dowladda falastiin, 28-ka bishan.

"Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Falastiin," Harris ayaa ka sheegay sidaas shir jaraa'id. "Mid kasta oo naga mid ah hadda waxa uu qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah go'aankaas."

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay sidoo kale aqoonsan doonaan dowlad madax banaan oo Falastiiniyiinta leeyihiin 28-ka May.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka Spain, Sanchez ayaa ku eedeeyay dhiggiisa Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, inuu “khatar” geliyay xalka labada dal maadaama sii wado “burburinta” Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in qorshayaasha aqoonsiga falastiiniyiintu ay ka dhigan tahay “abaalmarinta argagixisada” taas oo yarayn doonta fursadaha wada xaajoodka lagu xallinayo dagaalka Gaza, kaas oo bilaabmay 7-dii Oktoobar markii dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay gudaha u galeen koonfurta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM