Maxaa sababay burburka dhismaha Champlain Towers?
WASHINGTON, USA - Tirada dhimashada ayaa sare u kacday ilaa shan ayayna mareysaa kadib markii uu dumay guri dabaq ah oo ku yaala gobolka Florida waddanka Mareykanka, sidda masuuliyiin kala duwan ay sheegeen.
Duqa magaalada Miami-Dade, Daniella Levine Cava, ayaa tibaaxdey in tirada dadka aan la helin ay hadda hoos ugu dhacday 156 qof, iyadoo saddex kale oo ka mid ah meydadka la soo helay la aqoonsaday.
"Ahmiyadeena ugu sareysa waa in aan sii wadnaa baaritaanka, samatabbixinta iyo badbaadinta naf kasta oo aan awoodno," ayay u sheegtay koox kamid ah suxufiyiinta kasoo warameysa dhacdada.
Sida ay xoguhu muujinayaan, qeyb ka mid ah dhismaha ayaa dumay subaxnimadii hore ee Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay iyadoo dad badan oo degan dhismaha ay waqtigaas jiifeen.
Ilaa iyo hada sababta dhabaha u xaartey burburka dhismaha ayaan wali cadeyn, hase ahaatee, saraakiishu waxay ku adkeysanayaan in ay baaritaano dheeraad ah u baahan tahay.
Warbixin injineer ka soo baxay 2018 taasoo la shaaciyey Sabtidii ayaa iftiimisay "khalad weyn" oo ku saabsan naqshadda kalkii hore loo dhisay dhismahan badda ku dhow ee loo yaqaan Champlain Towers.
Qaladka ugu weyn, sida ku cad warbixinta, waa in aan laga fekerin qaabka looga hortagi karo biyaha ka imaanaya badda ee u soo qulqulaya dhanka dhismaha oo ka kooban guryo ay kireystaan rayid iyo xafiisyo.
Madaxweyne Joe Biden oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa daaha ka rogay in uu tiiraanyadda iyo murugada la wadaagayo qoysaska dadkooda dhibaatadda soo gaartey.
"Qalbigeygu wuxuu lajiraa bulshada Surfside sida ay uga murugoonayaan ehelladooda la waayay waxayna u sugayaan si walwal leh iyadoo dadaalada goobid iyo samatabbixin ay socdaan," ayuu ku daray hadalka.
Baaritaanka buuxa oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambeysay burburka dhismaha ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u bilowdo kadib hawlgalka samatabixinta.
Maaddaama uu dhismuhu taagnaa illaa 1980, waxaa wacnaan lahayd in uu helo dib-u-eegis 40-sano ah. Inkasta oo qorshaha la sheegay in uu socdey, haddana waxaa saraakiil xuseen in ay hagaagsanaan lahayd in la dedejiyo.
GAROWE ONLINE