Maxaad ka ogtahay faa’iido darrada uu leeyahay Bunka la cabo subaxda hore?

Image
Dr. Deborah Lee, oo ah dhakhtar u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa arrintan ka warbixiyay.

Muqdisho, Soomaaliya - Bunka ama Qaxwada Subaxda hore la cabo waa caado ay dad badan leeyihiin, laakin ilaa xad intee le'eg ayay ku siin kartaa tamar kaa caawisa inaa howlahaaga ku qabsato?

Koobka Bunka oo la cabo marka uu qofku hurdada ka kaco ma siinayso tamar ku filan oo uu ku fuliyo hawl maalmeedkiisa, sida ay qabaan khubarada hurdada.

Khabiir ku taqasusay waxa loo yaqaan Cilmiga hurdada "Sleep Science" ayaa sheegay in qaxwada la cabbo subaxdii hore aysan ahayn waxa ugu fiigan oo qofka sameyn karo marka uu hurdada ka soo tooso.

Dr. Deborah Lee, oo ah dhakhtar u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa yiri: "Markaad soo kacdo, hormoonka (Cortisol) oo kor u qaada feejignaanta isla markaana nidaamiya dheef-shiid kiimikaadka iyo habka difaaca jirka, ayaa gaara heerkii ugu sarreeyay.”

Lee ayaa sheegay in waqtiga ugu fiican ee la cabo Qaxwada ama Bunka uu yahay ugu yaraan 45 daqiiqo ka dib marka oo qofka soo tooso, iyadoo hormoonka (Cortisol) uu bilaabo inuu hoos u dhaco.

“Sida aan qabo, waxaa u wanaagsan qofka soo toosa 7-da aroornimo inuu sugo ilaa 10-ka subaxnimo ama duhurnimada si uu u helo koobkiisii ​​ugu horreeyay ee Bunka. Markaas ayaad heli doonta faa'iidooyinka ugu badan ee (Caffeine-ka)."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM