Maxay salka ku haysaa xiisada kalluumeysiga ee UK iyo France?

Image
Emmanuel Macron oo dab kusii shiday xasaradda ayaa digniin culus hawadda u mariyey Britain.

LONDON, Britain - Faransiiska iyo UK ayaa waxaa ka dhex-qarxay muran ku saabsan xuquuqda kalluumeysiga ee kadib Brexit iyo shatiyada ay helayaan doonyaha Faransiiska.

Emmanuel Macron ayaa dab kusii shiday xiisada kala dhexeysa Britain isagoo ka digay in muranka dhanka xuquuqda kalluumeysiga uu tijaabo u noqdo kalsoonida UK ee caalamka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ka hadlay ka hor shirka G20 ee ka dhacaya Rome, kaasoo dejinaya gogol-xaarka shirka cimilada ee COP26.

Mr Macron ayaa u sheegay Financial Times in dib u celinta UK ee ballanqaadyada Brexit "aysan ahayn calaamad weyn oo lagu kalsoonaan karo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mr Macron ayaa tibaaxay in murannada ka taagan Waqooyiga Ireland ay yihiin kuwa u baahan in xal degdeg ah oo wada ogol ah laga gaaro.

"Ha qaldamin, ma ahan kaliya reer Yurub laakiin dhammaan saaxiibadooda," ayuu yiri isaga oo si toos ah fariin ugu diraya boqortooyadda Ingiriiska.

Wuxuu ku daray: "Sababtoo ah markaad sannado badan ku qaadato in aad heshiis ka gorgortanto, ka dibna dhawr bilood ka dib waxaad samaysaa wax liddi ku ah waxa lagu go'aamiyey dhinacyada ugu yar, maaha calaamad weyn oo muujinaysa kalsoonidaada."

Doodda ayaa bilaabatay kadib markii UK iyo ismaamulka Jersey oo dhaca xadka labadda dal ay diideen shati kalluumeysi oo la siiyay tobanaan doonyo Faransiis ah bishii hore.

Is-qabqabsiga ayaa, sida ay sheegtay BBC, wuxuu salka ku hayaa tirada doomaha kalluumeysiga ee Faransiiska ee loo oggol yahay inay ka kalluumaystaan ​​biyaha boqortooyadda UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM