Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Image

London – Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, kadib maalmo cadaadis xooggan uga imaanayay xubnaha xisbigiisa Labour-ka, iyadoo hoggaamiye cusub la filayo in la doorto ka hor inta aan baarlamaanka dib u furmin bisha Sebtembar.

“Waan is casilayaa,” ayuu Starmer u sheegay wariyeyaasha bannaanka xarunta 10 Downing Street ee magaalada London Isniintii.

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997, isagoo soo afjaray 14 sano oo ay talada hayeen xukuumado uu hoggaaminayay xisbiga Conservative-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ra’yi ururinno dhowaan la sameeyay ayaa muujiyay in hoggaamiyaha 63-jirka ah iyo qareenkii hore uu lumiyay taageeradii shacabka, kadib khaladaad siyaasadeed oo isdaba joog ah iyo fadeexado hareeyay dowladdiisa.

Cadaadiska lagu saarayo inuu xilka ka dego ayaa sii xoogaystay kadib markii siyaasiga ay xisbiga ku loollamayeen, Andy Burnham, uu guul weyn ka gaaray doorasho ku celis ah oo ka dhacday waqooyi-galbeed England, taasoo uu ku helay kursi baarlamaan.

Waxaa la filayaa in xisbiga Labour uu bilaabo tartan lagu dooranayo hoggaamiye cusub, kaasoo beddeli doona Starmer marka baarlamaanku dib u furmo bisha Sebtembar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM