Maxkamad ku taal Iran oo Mareykanka ku xukuntay $50 bilyan oo magdhow ah

Image
Maxkamadda waxay xukun ka soo saartay 42 qof iyo hay'ado Mareykan ah.

WASHINGTON (GO) - Maxkamad ku taal Iran ayaa ku xukuntay maamulka Mareykanka inuu ka bixiyo magdhow ku dhow 50 bilyan oo dollar dilkii hogaamiyihii ugu caansanaa militariga Iran, Qasem Soleimani, oo sanadkii 2020 lagu dilay Ciraaq.

Warsidaha Garsoorka iran "Mizan Online" ayaa qoray, “Kadib cabasho ay soo gudbiyeen 3,318 muwaadin oo ku kala nool dalka, Maxkamadda ayaa xukuntay in maamulka iyo saraakiisha Mareykanka ay bixiyaan magdhow iyo ganaax lacageed oo gaareysa 49.7 bilyan dollar”.

Maxkamaddu waxay xukun ka soo saartay 42 qof iyo hay'ado Mareykan ah, oo ay ku jiraan Donald Trump iyo saraakiil ka tirsanaa maamulkiisa.

Xukunka kiiskan ayaa la soo saaray qiyaastii 4 sano ka dib dilkii taliyihii hore ee Guutada Qudus oo qaabilsanaa hawlgallada shisheeye ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM