Maxkamad ku taal Masar oo dil toogasho ku xukuntay hogaamiyaha Ururka “Ikhwaanul Muslimiin”

Image
Hoggaamiyeyaasha Ururka ayaa lagu eedeeyay inay abaabuleen falal rabshado ah 11 sano ka hor.

Qaahira (GO) - Maxkamad ku taal Masar ayaa Isniintii dil toogasho ku xukuntay hoggaamiyaha Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Badiic iyo toddobo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Ururka, oo lagu helay inay abaabuleen falal rabshado ah qiyaastii 11 sano ka hor.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Luulyo 2013-kii soo abaabulay dibadbax ay isugu yimaadeen fagaaraha Raabaca Al-Cdawiya ee magaalada Qaahira si ay uga mudaaharaadaan afgambigii ay ciidamadu kula wareegeen xukunka Masar.

Bishii Agoosto ee isla sanadkaas ayay ciidamada ammaanku xoog ku kala eryeen Dibadbaxaas, taasoo keentay in la laayo in ka badan kun qof oo ay ku jiraan kaadiriin iyo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin.

Maamulka ayaa intaa ka dib bilaabay howlgalo ka dhan ah Ururkaasi, waxaana la xiray kumanaan ka tirsan loona gudbiyay maxkamad, kuwaasi oo intooda badan lagu xukumay xabsi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM