Maxkamad ku taala Pakistan oo mamnuucdey Tiktok

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Maxkamad ku taala waddanka Pakistan ayaa waxay mamnuucdey barta bulshada ee TikTok sababo la xiriira "waxyaabo anshax xumo ah", waana markii labaad oo barnaamijkan laga mamnuuco waddankan ku yaal Koonfurta Aasiya in ka yar lix bilood gudahooda.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee waddanka Pakistan, Peshawar Qaiser Rashid Khan, ayaa Khamiista maanta ah xukunkan riday intii lagu guda jiray dhageysiga dacwad ka dhan ah mareeggan.

Khan wuxuu ku tilmaamay qaar ka mid ah muuqaaladda caanka ka noqdey boggan "kuwa aysan aqbali karin bulshada Pakistan", wuxuuna amar ku siiyay madaxa internet-ka dalkaas inuu mamnuuco adeegga illaa iyo inta laga soo saarayo shuruuc lagu xakameynayo.

Hay'adda Isgaarsiinta ee Pakistan (PTA) "waxay u hoggaansami doontaa amarrada maxkamadda", afhayeenka hay’addaas Khurram Mehran ayaa sidaas ku sheegay wareysi uu siiyey Al Jazeera.

Shirkadda TikTok ayaa ka hor-timid xukunka, iyaddoo sheegtay in ay leedahay shuruudo lagu kormeerayo waxyaabaha ku jira.

"TikTok waxaa lagu dhisay mabda’a muujinta hal-abuurka, iyada oo leh ilaalin xoog leh si looga ilaaliyo waxyaabaha aan habboonayn ee ka socda boggeena," ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Qoraalka shirkadda ayaa waxaa la raaciyey: “Pakistan waxaan ku korinay kooxdeena dhexdhexaadinta luuqada maxaliga ah, waxaanan leenahay farsamooyin aan ku soo wargalino kuna tirtirno waxyaabaha ku xadgudbaya tilmaamaha bulshada. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno u adeegida malaayiinta isticmaaleyaasha TikTok iyo hal abuurayaasha ku sugan Pakistan kuwaas oo helay guri loogu talagalay hal abuur iyo madadaalo".

Bishii Oktoobar, hay’adda PTA waxay mamnuucdey TikTok sababo la xiriira eedeymo ay kamid yihiin in shirkadda ay ku fashilantay in ay wax ka qabato "anshax xumada ka dhex-socota". Hasa ahaatee, waxaa eedeymahaas ku gacan-seyray shirkaddan laga leeyahay waddanka Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM