Maxkamad Mareykan Ah Oo Amar Ku Bixisay In Magaca Trump Laga Saaro Xarunta Kennedy Center

Image

Washington — Garsoore federaal ah oo ku sugan magaalada Washington ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in magaca Madaxweyne Donald Trump laga saaro dhammaan astaamaha iyo qoraallada rasmiga ah ee lagu daray xarunta caanka ah ee farshaxanka iyo dhaqanka ee Kennedy Center, isagoo sidoo kale si ku-meel-gaar ah u hakiyay qorshe lagu xirayay xarunta xagaagan si dayactir loogu sameeyo.

Go’aanka ayaa yimid kadib dacwad ay gudbisay Xildhibaanad Joyce Beatty oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, taasoo ku doodday in guddiga maamulka Kennedy Center uu jebiyay sharcigii Kongareesku ansixiyay sanadkii 1964, kaas oo si rasmi ah xarunta ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka John F. Kennedy.

Garsoore Christopher R. Cooper ayaa xukunkiisa ku sheegay in Kongareesku si cad u qeexay magaca xarunta, isla markaana cid aan Kongareeska ahayn aysan beddeli karin magacaas.

“Kongareeska ayaa bixiyay magaca Kennedy Center, Kongareeskuna keliya ayaa beddeli kara,” ayuu garsooruhu ku yiri xukun ka kooban 94 bog.

Maxkamaddu waxay amartay in laba toddobaad gudahood laga saaro xarafka iyo calaamadaha lagu daray wejiga hore ee dhismaha, kuwaas oo xarunta ugu yeerayay “Donald J. Trump and the John F. Kennedy Memorial Center for the Performing Arts.”

Madaxweyne Trump ayaa si kulul uga falceliyay go’aanka maxkamadda, isagoo qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in haddii aan loo oggolaan inuu go’aamiyo mustaqbalka xarunta, uusan dan ka lahayn sii wadista mashruuca.

Trump wuxuu ku eedeeyay garsooraha iyo waxa uu ugu yeeray “garabka bidix ee xagjirka ah” inay doorbidayaan in xaruntu hoos u dhacdo halkii uu isaga ka horumarin lahaa.

Dhanka kale, maamulka Kennedy Center ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka. Afhayeenka xarunta, Roma Daravi, ayaa sheegtay inay ku kalsoon yihiin in maxkamadaha sare ay taageeri doonaan go’aankii guddiga ee ahaa in Trump lagu sharfo kaalintiisa dhaqanka iyo horumarinta xarunta.

Khilaafka ayaa sidoo kale saameeyay howlaha farshaxanka ee xarunta. Bandhigyo badan oo Broadway ah ayaa la baajiyay, halka National Symphony Orchestra ay bilowday inay raadsato goobo kale oo ay ku qabato bandhigyadeeda. Sidoo kale shaqaale badan ayaa shaqada laga fariisiyay iyadoo la filayay in xarunta la xiro muddo dheer.

Garsooraha ayaa labada dhinac ku amray inay ugu dambeyn 5-ta Juun u gudbiyaan qorshaha tallaabooyinka xiga, iyadoo dacwadda iyo muranka siyaasadeed ee ku xeeran magaca Kennedy Center uu weli socdo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi oo geeriyooday

Siyaasiyiin, madax iyo warbaahin gudaha Yemen iyo caalamkaba ah ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo shacabka Yemen.

  • Caalamka

    28-05-2026

  • 03:47PM

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM