Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada oo baadi-goobaysa Cumar Al-Bashiir

Image
Maxkamadda dambiyada ayaa tan iyo 2009 ku daba jirtay Al-Bashiir.

Khartoum (GO) - Weftiga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo booqasho ku tagaymagaalada Port Sudan ayaa waxa ay dhibaato weyn kala kulmayeen sidii ay xog dhab ah uga heli lahaayeen halka ay ku sugan yihiin dadka la doondoonayo ee lagu eedaynayo inay dambiyo dagaal ka haysteen Darfur.

Dadkaas ayaa ka mid ah Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir iyo la kaaliyayaashiisa, Abdul Rahim Muhammad Hussein iyo Ahmed Haroun.

Tan iyo 2009, maxkamadda dambiyada ayaa ku daba jirtay Al-Bashiir iyo tiro ka mid ah kaaliyayaashiisa oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada intii uu socday dagaalkii Darfur ee ka qarxay Sudan sanadkii 2003 isla markaana socday 17 sano.

Khubarada dhinaca sharciga ayaa xaqiijiyey in weftiga ka socday Maxkamadda Dambiyada ay dawladda Suudaan ku eedeeyeen in ay qariyeen dadka la baadi-goobayo, isla markaana aan la xirin, inkasta oo ay ku sugan yihiin goobo ay ciidamadu gacanta ku hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM