Maxkamadda Sarre ee UK oo ka hor-timid shaqo joojinta baarlamaanka

Image

LONDON, UK – Maxkamadda Sarre ee Ingiriiska ayaa sharci darro ku tilmaamtay shaqo joojinta baarlamaanka waddankaas, talabadaas oo uu soo jeediyay ra’iisul wasaare Boris Johnson.

"Ma ahan mid dhaqan-geli kara," ayaa lagu yiri qoraal Talaadda maanta ah kasoo baxay xeer-beetadda, oo ku doodey in hakinta ay wiiqeyso awooda dastuuriga ah ee xeer-dejinta.

Go'aakan ayaa dharbaaxo kale wuxuu ku noqonayaa ra’iisul wasaare Boris, oo horey guuldarooyin ay kamid yihiin in uu baarlamaanka marin waayey qorshihiisa ka bixintaa Yurub.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, ujeedada uu Boris ka lahaa shaqo joojinta ayaa si uu ugu shaqeeyo qorshihiisa ku ay Midowga Yurub ka baxaan 31-ka October heshiis la'aan.

Balse wax kasta ayaa haatan u muuqda mid cakirnaan horleh lugaha lasii gelaya, iyadda aysan muuqan isu soo dhowaanshio ka kala imaaneysa mucaaradka iyo muxaafadka.

Mucaaradka ayaa olale u wada in heshiis looga baxo Midowga Yurub, halka xukuumadda ay dooneyso taasi bedelkeeda iyo heshiis qabyo, taasi oo lagu diidan yahay.

Barnaamijka ka bixitaanka Midowga Yurub oo dadyowga Ingiriiska ay u coddeeyeen ayaa jahwareer geliyey siyaasadda Ingiriiska, iyadda ay isu casileen laba ra’iisul wasaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM