Maxkamadeynta Netanyahu oo mar kale dib loo dhigay sababo amni awgood
QUDUS – Maxkamadda gobolka Qudus ayaa dib u dhigtay fadhigii loo qorsheeyay Maanta ee dacwadda musuqmaasuq ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo loo cuskanayo "sababo dhanka amniga iyo diblomaasiyadda ah."
Sida ay werisay jariidadda The Jerusalem Post, garsoorayaasha maxkamadda ayaa go’aansaday Axaddii in halkii uu Netanyahu ka soo muuqan lahaa marqaatiga, la dhageysto marqaati kale oo dhanka difaaca ah. Tallaabadan ayaa ka dhigan in dib u soo laabashada Netanyahu ee kursiga marqaatiga aysan u dhowayn ka hor toddobaadka soo socda.
Sababta Dib u Dhigista
Go’aankan ayaa yimid ka dib codsi ka yimid qareennada difaaca Netanyahu, kuwaas oo codsaday in la baajiyo markhaati-furka Ra’iisul Wasaaraha. Waxay daliishadeen sababo amni oo aan la cayimin oo ku jira dukumiintiyo qarsoodi ah oo loo gudbiyay maxkamadda iyo xeer-ilaalintaba.
Dhanka kale, xeer-ilaalinta ayaa si adag uga soo horjeesatay dib u dhigista, iyagoo ku dooday in haddii aysan jirin baahiyo amni oo degdeg ah oo aan laga baaqsan karin, ay tahay in Netanyahu uu u hoggaansamo jadwalka maxkamadda si loo horumariyo dacwadda oo hadda maraysa wejiga su'aalo weydiinta (cross-examination).
Faahfaahinta Dacwadaha
Netanyahu ayaa tan iyo bishii Diseembar 2024 ku jiray markhaati-furka dacwadda, waxaana wejiga su'aalo weydiinta xeer-ilaalintu bilaabatay bishii Juun 2025. Dacwadaha loo haysto waxaa ka mid ah:
Case 4000: Waa dacwadda ugu weyn ee hadda xoogga lagu saarayo, taas oo ku saabsan eedeymo la xiriira inuu siiyay eex dhanka sharciga ah shirkadda isgaarsiinta ee Bezeq, si uu u helo tebin warbaahineed oo wanaagsan oo kaga timaada bogga wararka ee Walla.
Case 1000 & 2000: Waxa uu sidoo kale wajahayaa eedeymo la xiriira laaluush, masuqmaasuq, iyo ku-xadgudub aaminnaad oo ku jira labadan kiis.
Netanyahu ayaa horay u diiday dhammaan eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo salka ku haya ujeeddooyin siyaasadeed.
Xaaladda Caalamiga ah
Marka laga soo tago dacwadaha dalka gudihiisa kaga socda, bishii Nofembar 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa soo saartay waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu, iyadoo lagu eedeynayo dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhanka ah bini-aadanimada oo ka dhacay marinka Qaza.
GAROWE ONLINE