Maydka Madaxweynihii Burkina Faso oo la baarayo

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Haraaga maydka Madaxwaynihii hore dalka Burkina Faso, Thomas Sankara ayaa lagu samaynayaa  baaritaan la xiriirta in la rasaas lala dhacay ka hor intuusan dhiman, sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay qareenka matalaya qoyska Sankara.

Qareenka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof haatan lagu eedeeyay dilka Madaxwayne Thomas, kaas oo la dilay intii uu socday afgambi dalkaasi ka dhacay sanadii 1987-dii.

Wararka ayaa intaasi ku daraya qoyska uu ka soo jeeday inay sugayaan tijaabooyin lagu sameeynayo dhiiga hidde-sidaha"DNA" si loo xaqiijiyo maydka inuu yahay madaxweynihii dalkaasi.

Qoyka Mr Sankara ayaa muddo sugayay in baaritaan lagu sameeyo sababtuu u dhintay maadaama ninka xilka ka tuuray ee Blaise Compaore, uusan ogolaanin marnaba in la baaaro mayda ninkaasi.

Balse Mr Compaore ayaa laf ahaantiisa waxaa sanadkii la soo dhaafay xilka looga tuuray kacdoon caan baxay.

Qaar ka mid ah dadka lagu eedeeyay dilka madaxwaynihii horre dalka Burkina Faso, Thomas Sankara ayaa xubno ka ah ilaalada madaxtooyada Mr Compaore.

Ku dhawaad 30-sano kaddib geeridiisa, ayaa Thomas Sankara waxa uu weli caan ka yahay gudaha Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM