Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Image
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

DOOXA, Qadar - Kooxaha Difaaca Madaniga ah ee Falastiin ayaa 324 meyd ah ka soo saaray cisbitaalka Nasser ilaa Arbacadii, hay'adda bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay, OCHA, ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee maalinlaha ah.

OCHA waxay soo xigatay Difaaca Madaniga ah ee Falastiin iyadoo sheegtay in haween, dad waayeel ah iyo bukaanno ay ka mid ahaayeen dadka laga helay isbitaalka oo lagu aasay, waxayna xustay, "kaliya in yar ayaa la aqoonsaday".

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa Talaadadii ku baaqay "baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah oo hufan" oo lagu sameeyo dhimashada.

"Isbitaaladu waxay xaq u leeyihiin ilaalin gaar ah marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, dilka ula kaca ah ee loo geysto dadka rayidka ah, maxaabiista iyo kuwa kale ee dagaalka ka dhanka ah waa dambi dagaal," ayuu yiri Turk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM