Meydka diblumaasi sare oo laga helay banaanka safaarad

Image
Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ninkan uu da'diisu ahayd 35 sano jir

BERLIN, Germany – Diblomaasi u dhashay Ruushka ayaa meydkiisa laga helay bishii hore bannaanka safaaradda dalkaas uu ku leeyahay caasimadda Jarmalka, sida ay qortey saxaafadda maxaliga ah ee waddankaas.

Meydka ninkan ayaa laga helay wadada laamiga 19-kii October, waxaana ka helay booliska ilaalada ka ah xarunta Berlin, sida uu sheegay website-ka Der Spiegel.

"Sida muuqata waxa uu ka soo dhacay dabaq sare, laakiin ma cadda sida uu yahay," ayay raacisay. Safaaradda Ruushka ayaa ku tilmaantay geerida dublamaasiga – oo aan si rasmi ah loo magacaabin – “shil naxdin leh”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa xaqiijisay geerida ninkaasi balse ma bixin doonto faah faahin dheeri ah. Booliska magaalada Berlin ayaan si cad uga hadlin dhimashadan oo markii ugu horeysay la soo sheegay Jimcihii.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ninkan uu da'diisu ahayd 35 sano jir, waxaana lagu daray liiska xoghayaha labaad ee safaaradda Ruushka.

Shabakadda dembi-baadhista ee Bellingcat ayaa sheegtay inay adeegsatay xog il furan si loo ogaado in ninkan uu dhalay agaasime ku-xigeenka waaxda Labaad ee Hay’adda Sirdoonka Ruushka ee FSB.

Hay'addan ayaa horey waxaa loola xiriiriyey dilka muwaadin Joorjiyaan ah iyo taliyihii hore ee fallaagada Chechnya Zelimkhan Khangoshvili, kaas oo madaxa lagaga toogtay beerta magaalada Berlin bishii Ogosto sanadkii 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM