Meydka diblumaasi sare oo laga helay banaanka safaarad

Image
Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ninkan uu da'diisu ahayd 35 sano jir

BERLIN, Germany – Diblomaasi u dhashay Ruushka ayaa meydkiisa laga helay bishii hore bannaanka safaaradda dalkaas uu ku leeyahay caasimadda Jarmalka, sida ay qortey saxaafadda maxaliga ah ee waddankaas.

Meydka ninkan ayaa laga helay wadada laamiga 19-kii October, waxaana ka helay booliska ilaalada ka ah xarunta Berlin, sida uu sheegay website-ka Der Spiegel.

"Sida muuqata waxa uu ka soo dhacay dabaq sare, laakiin ma cadda sida uu yahay," ayay raacisay. Safaaradda Ruushka ayaa ku tilmaantay geerida dublamaasiga – oo aan si rasmi ah loo magacaabin – “shil naxdin leh”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa xaqiijisay geerida ninkaasi balse ma bixin doonto faah faahin dheeri ah. Booliska magaalada Berlin ayaan si cad uga hadlin dhimashadan oo markii ugu horeysay la soo sheegay Jimcihii.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ninkan uu da'diisu ahayd 35 sano jir, waxaana lagu daray liiska xoghayaha labaad ee safaaradda Ruushka.

Shabakadda dembi-baadhista ee Bellingcat ayaa sheegtay inay adeegsatay xog il furan si loo ogaado in ninkan uu dhalay agaasime ku-xigeenka waaxda Labaad ee Hay’adda Sirdoonka Ruushka ee FSB.

Hay'addan ayaa horey waxaa loola xiriiriyey dilka muwaadin Joorjiyaan ah iyo taliyihii hore ee fallaagada Chechnya Zelimkhan Khangoshvili, kaas oo madaxa lagaga toogtay beerta magaalada Berlin bishii Ogosto sanadkii 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM