Milatariga la wareegay talada Sudan oo eryay lix danjire

Image
Safiiradan ayaa lagu waramayaa in loo beegsadey in ay ka hor-yimaadeen inqilaabka ciidan.

KHARTUUM, Sudan - Militariga Suudaan ee haya talada dalkaasi ayaa shaqada ka ceyriyay lix safiir, waxaana ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah dibadbaxayaasha dimuqraadiyad doonka ah, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah afgambiga dhacay toddobaadkan.

Shaqo ka eryida oo lagu shaaciyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa iska dhex-arkay safiirrada Suudaan u fadhiya Mareykanka, Midowga Yurub, Shiinaha, Qatar, Faransiiska iyo madaxa ergada dalkaas u jooga magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo sida muuqata loo beegsadey in ay diideen inqilaabka.

Talaabadan ayaa waxay kusoo beegantay iyadoo ay isa soo tarayaan dalabaadka ku saabsan in ciidamadu ka laabtaan afgambigii Isniintii kaasoo meesha ka saarey nidaamka jilicsan ee dimuqraadiyadda Suudaan ka dib markii xukunka looga tuuray Cumar Al-Bashiir bishii Abriil 2019 kacdoon dadweyne.

Dhowr safaaradood oo reer galbeedku ku leeyihiin Khartoum ayaa sidoo kale shaaca ka dhigay inay sii wadi doonaan inay u aqoonsadaan ra'iisul wasaarihii xilka laga tuuray Abdalla Hamdok iyo golahiisa wasiirada inay yihiin "hogaamiyayaasha dastuuriga ah ee dowladda ku meel gaarka ah" ee Suudaan.

Arbacadii, Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay go'aankiisa ah inuu Suudaan ka joojiyo dhaqdhaqaaqyada ururka ilaa dib loo soo celinayo dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee ay shacabku hoggaaminayeen, halka Maraykanku uu hakiyay $700m oo gargaar degdeg ah iyo Bangiga Word uu joojiyay gargaarkii.

Talaabadda uu ku dhaqaaqay Bangiga Adduunka ayaa dhabar jab weyn waxay ku tahay waddankan hadda billaabay in uu dib uga soo baxo go’doon dhaqaale oo soddon sano ah.

Intii uu xukunka hayay Al-Bashiir, Suudaan ayaa waxaa lagu daray liiska dowladda Mareykanka ku eedeeyay taageerida argagixisada taasoo ka dhigtay mid aan u qalmin in laga cafiyo daymaha aadka loogu baahan yahay iyo maalgelinta hay'adaha caalamiga ah iyo sidoo kale xaddidan maalgashiga shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM

Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 11:54AM