Milyineer Ameerikaan ah oo lagu helay dambi dil ah
WASHINGTON, USA - Maalqabeenka u dhashay waddanka Mareykanka, Robert Durst, ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu helay dambi ah inuu khaarijiyey saaxiibadiisa ay aadka isugu dhowaayeen ee Susan Berman.
Durst ayaa lagu helay inuu u khaarijiyey Berman sanadkii 2000 "si uu uga hortago" in ay booliska la wadaagto warbixin ku saabsan xaaskiisa oo oo la waayey 1982 loona maleynayo in ay dhimatay.
Meydka 55 jirtan ayaa, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, waxaa la helay iyadda oo ay ka muuqdaan dhaawacyo ay kamid tahay toogasho kaga taala dhanka madaxa.
Durst oo sirtiisa lagu kashifay barnaamij dukumiintiri ah laguna magacaabo The Jinx ayaa laga soo xigtey isaga oo oranaya "Maxaan sameeyay? Waan dilay ayaga, dabcan".
Kadib markii lasii daayey dukumiintiriga, mas'uuliyiinta ayaa Durst ugu xiray magaaladda New Orleans dilka Ms Berman. Xeerbeegtada ayaa lala wadaagay muuqaalka intii dacwaddu socotay.
Dacwad-oogayaasha ayaa Durst, oo 78 jir ah, ku tilmaamay nin la nool xanuun dhanka dhimirka ah. Waxay hadda u egtahay inuu xabsiga ku dhiman doono.
Susan Berman ayaa waxay ahayd qoraa fal-dambiyeed. Sidoo kale, af-hayeenka Durst ayay ahayd kadib markii lagu tuhmay in uu ka dambeeyay maqnaanshiyaha xaaskiisa.
Dhageysiga hore, qareenka Durst oo lagu magacaabo Dick DeGuerin, ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeymaha isaga oo caddeymaha ku tilmaamay "cajalado aan sal iyo baar toona lahayn".
Filimkan nolosha milyineerkan u bedelay dilaa xabsi daa'in garka loo geliyey waxaa agaasime ka ahaa Andrew Jarecki kaasoo sumcad badan ka sameeyay dukumiintirigaas markii uu soo baxay gilgilay dunida.
GAROWE ONLINE