Milyineerka caruurnimadiisa qashinka qubka lagu tuuray
NEW YORK, USA – Freddie Figgers waxaa la siiyay kombuyuutarkiisii ugu horreeyay isagoo sagaal jir ah. Wuxuu ahaa mid duug ah oo aan shaqeyn balse waxay ahayd bilowga jacaylkiisa xagga tikniyoolajiyadda ah oo u rogay hal-abuure, ganacsade iyo milyaneer dhanka isgaarsiinta - mustaqbal aan loo saadaalin kareyn kadib noloshiisa adag ee uu kusoo koray.
“Ha u ogolaan duruufahaaga in ay qeexaan qofka aad tahay," kaliya waa hal talo oo ganacsadahan 31-jir ah, Freddie Figgers, uu jeclaan lahaa inuu u gudbiyo dadka kale.
Markii uu sideed jirka ahaa ayuu aabihiis, Naataan, weydiiyay xaaladda dhalashadiisa, jawaabtiisuna waxay ahayd mid lama illaawaan ah.
"Wuxuu igu yidhi 'Dhageyso waxaan doonayaa in aan si toos ah kuugu sheego, Fred. Hooyadaa ku dhashay, way ku tuurtay, iyo aniga iyo Betty Mae, ma anaan doonaynin in aan kuu dirno adiga daryeelka koritaanka waana ku korsanay, adiguna waxaad tahay wiilkayga".
Freddie waxaa laga dhex helay isagoo ilmo cusub ku dhagan meel qashinka lagu rito (oo ah goobta ugu weyn oo qashinka lagu daadiyo) miyiga Florida.
"Markuu intaas ii sheegay, waxaan la mid ahaa, 'ok waan ahay qashin,' waxaan dareemay inaan la ii rabin. Laakiin garabka ayuu qabtay oo wuxuu igu yidhi," Dhageyso, waligaa ha oggolaan in taasi ku dhibto".
Nathan Figgers wuxuu ahaa shaqaale dayactir iyo gacan qabad halka Betty Mae Figgers ay ahayd shaqaale beeraha ah. Waxay ku noolaayeen Quincy, oo ah tuulo ku taal waqooyiga Florida oo ay ku nool yihiin qiyaastii 8,000 oo qof, waxayna ahaayeen kontan sano jiro markii uu Freddie dhashay 1989.
Waxay horey u koriyeen caruur badan, laakiin waxay go aansadeen inay Freddie soo qaataan markuu laba maalmood jiray, oo ay u korsadaan sidii wiilkooda oo kale. Freddie wuxuu sheegay inay isaga siiyeen jacaylkii uu jeclaan lahaa oo dhan - laakiin carruurta kale ee Quincy waxay noqon karaan kuwo arxan daran.
"Carruurtu way i caayayeen oo waxay iigu yeeri jireen, wiilka qashin qubka,' Waad soo ureysaa,' Qofna kuma doonayso, 'Waad wasakheysan tahay," ayuu yiri.
Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waxaan xasuustaa markaan ka degay baska iskuulka mararka qaar caruurtu mar uun bay gadaal ii soo dhici jireen oo i qaban jireen oo igu tuuri jireen qashin qubka",
Waxay gaadhay heer aabihiis ku sugo baska basaska oo gurigiisa uu u lugeeyo, laakiin caruurtu way ku jees jeeseen Nathan sidoo kale, Freddie wuu xasuustaa, "isagoo leh," Ha ha, fiiri odayga usha haysta".
Ilaa iyo intii uu Freddie ka walaacsanaa, Nathan iyo Betty Mae waxay ahaayeen geesiyaal, iyo ku dayasho wanaagsan.
"Waxaan arkay aabbahay oo had iyo goor caawiya dadka, oo wadada dhinaceeda istaaga isagoo caawinaya shisheeyaha, quudinaya dadka hoylaawayaasha ah," ayuu yiri. "Wuxuu ahaa nin layaableh, oo iyagu inay i qaataan oo ay i korsadaan, waa ninka aan doonayo inaan noqdo".
Ugu dambeyntiina, maalin maalmaha ka mid ah markii Freddie uu sagaal jir ahaa, waxay tageen dukaan qalabka gacan labaad lagu iibiyo oo la yiraahdo Goodwill, halkaas oo ay kula kulmeen kombuyuutar Macintosh ah oo jaban.
"Waannu ka dhaadhicinay wadaageha iibka," ayuu yiri Freddie, "oo wuxuu yidhi," Haye, waxaan ku siinayaa adiga $24, (£ 17), markaa kombuyuutarka ayaan geynay guriga waana ku faraxnay".
Qiyaastii 50 isku day, sida uu shaaca ka dhigay, kombuyuutarka ayuu ugu dambayn shidey - xilligaas la joogana Freddie wuxuu tibaaxayaa inuu ogaa inuu doonayo inuu noloshiisa ku dhammeysto ka shaqeynta teknolojiyadda.
Wuxuu ahaa 12 jir markii xirfadihiisu ogaadeen dadyow kale. Goob lagu caweeyo dugsiga kadib, iyadoo caruur kale ay ku ciyaarayaan goobta ciyaarta, Freddie wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo hagaajinta kombiyuutarada jajaban ee shaybaarka kombiyuutarka ee iskuulka.
Maamulaha barnaamijka iskuulka kadib wuxuu ahaa duqa magaalada Quincy oo markay aragtay inuu kumbuyuutarradii burburay dib u soo nooleynayo, waxay ka codsatay in uu yimaado hoolka dowladda isaga iyo waalidkiis.
"Markii aan tagno xarunta dowladda hoose, waxay i tustay dhammaan kumbuyuutarraddan gadaasha, oh gosh, laga yaabee in 100 ka mid ah ay isdulsaaran yihiin, waxayna leedahay, 'Waxaan u baahanahay in la dayactiro kombiyuutaradan,'" ayuu u sheegay BBC-da.
Wixii intaa ka dambeeyay, Freddie wuxuu waqti ku qaatay maalin kasta dugsiga kadib isagoo hagaajinaya kumbuyuutarradan, wuxuuna qaadanayey $ 12(£ 9) saacaddiiba.
Dhowr sano ka dib, fursad nadir ah ayaa soo baxday. Quincy wuxuu u baahday nidaam lagu hubiyo cabirrada biyaha ee magaalada, shirkadna waxay xayeysiisay $ 600,000 (£ 432,500) si ay u horumariso barnaamij kombuyuutar.
Freddie wuxuu xasuustaa in maareeyaha magaaladu ku dhawaaqay, "haye, Freddie waa dookh kumbuyuutar, wuxuu u badan yahay inuu ka caawiyo arintan."
"Marka waxaan idhi, 'Mudane, dhageyso, haddii aad fursad i siiso, waxaan dhisi karaa isla barnaamijkii. Marka isagaa i siiyay fursaddaas, waxaanan u dhisay barnaamijkaas si sax ah waxyaabaha ay u baahan yihiin. Lacagta 600,000$ la ima siinin balse waxaan helay mushaharka joogtada ah oo aan aaday gurigeyga," ayuu tibaaxay.
Waxay ahayd isbeddel muhiim u ah nolosha Freddie. Wuxuu ahaa 15 jir oo keliya, laakiin hadda wuxuu go'aansaday inuu iskoolka ka tago oo uu bilaabo ganacsi xisaabeed u gaar ah - taas oo waalidkiis aad uga xumaaday.
"Waxay rumeysnaayeen waxbarashada, shaqada, howlgabnimada, waxaana doonayay inaan jabiyo silsiladdaas, waxaan doonayay inaan sameeyo wax ka duwan," ayuu xusay.
Ganacsigii Freddie wuxuu u socday si dardar leh kadib markii dhawr sano ka dib, Nathan waxaa ku dhacay cudurka Alzheimers taasoo caqabad kale noqotay Freddie oo ahaa jir markii Nathan ku geeriyoodey da’da 81-jir bishii Janaayo 2014.
Markaa markii uu 22 jir ahaa, Freddie wuxuu sameeyay aaladda loo yaqaan 'glucometer' taasoo caqli badan laguna socon karo heerka sonkorta dhiigga.
Ma ahayn wax fudud. Xaqiiqdii, ayuu yidhi, waxay qaadatay 394 isku day, waxaana ku baxay lacag aad u badan. Laakiin sanadkii 2011, markii uu 21 jir ahaa, Freddie wuxuu noqday qofka ugu da'da yar ee ka shaqeeya isgaarsiinta Mareykanka.
Sida laga soo xigtay NBC News, Isgaarsiinta Figgers ayaa ah shirkadda kaliya ee isgaarsiinta ee ay leeyihiin dadka madow ee dalka Mareykanka ku nool.
Freddie wuxuu guursaday Natlie Figgers, oo ah qareen, sanadkii 2015, waxayna wada haystaan gabar yar. Sidoo kale marka laga soot ago ganacsigiisa, wuxuu maalgashi ku sameeya mashaariicda waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka wuxuuna caawiyaa carruurta iyo qoysaska danyarta ah.
GAROWE ONLINE