Mucaaradka oo ku guuleystay doorashada guud ee Norway

Image
Jonas Gahr Store oo hogaamiya mucaaradka garabka bidix ayay u badan tahay in uu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee Norway.

OSLO, Norway - Mucaaridka garabka bidix ee Norway ayaa si weyn ugu guulaystay doorasho guud kadib markii ay si weyn ugu ololeeyeen in ay eegayaan mustaqbalka warshadaha shidaalka ee waddankaas.

Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jonas Gahr Store ayaa madax u ah mucaaradka garabka bidix ee Norway kuwaas oo hadda u baahan isbaheysi ay la sameeyaan dhigooda si ay dowlad u soo dhisaan.

Store ayaa Isniinti shalay wuxuu meesha ka saarey hogaaminta isbaheysiga midigta dhexe ay madaxda u tahay Ra'iisul Wasaaraha Conservative-ka ah ee Erna Solberg oo xukunka haysay tan iyo 2013.

Iyada oo la tiriyey 97.5 boqolkiiba codadka, Labour-ka iyo afar xisbi oo kale oo bidixda dhexe ah ayaa baarlamaanka ka helay 100 kursi, iyadda oo la filayey 81 kursi, sida uu saadaaliyey Agaasinka Doorashooyinka.

Norway ayaa ah dalka ugu badan ee soo saara saliidda iyo gaaska ee galbeedka Yurub. Tani waxay sababtey in ololaha doorashadda u dub dhexaad u noqotay warbixinti u dambeysay ee Guddiga IPCC.

Store oo ay u badan tahay in uu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee Norway ayaa ku baaqay in si tartiib tartiib ah looga gudbo ku tiirsanaanta badan ee dhanka dhaqaalaha saliidda,

Balse, isbaheysiga kasoo horjeeday ee Greens-ka ay ku ololeeyeen in muhiim ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo sahaminta shidaalka ayaga oo aan soo bandhigin qorshe lagu bedelayo.

Ugu dambeyn, konserfatifka oo xukunka haystay sanadihii lasoo dhaafay balse hadda laga fara-maroojiyey ayaa sidoo kale waxay ku ololeeyeen in laga gudbo shidaalka fossil-ka ee Norway ka dhigay mid hodan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM