Munaasad loogu baroor-diiqayey taliye ku xigeen oo la weeraray

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay "weerarka gaadmada ah". [Photo: AP]

BAYRUUT, Lubnaan - Kooxo hubaysan oo aan la garanayn magaalada Kaldeh ee Lubnaan waxay dileen ugu yaraan laba qof markii ay weerareen aaska taliye ka tirsan Xisbullah oo la dilay maalin ka hor, sida ay ka dhawaajisay kooxdda.

Hezbollah oo ay taageerto Iran, oo ah kooxda hubaysan ee ugu awoodda badan Lubnaan, ayaa xustey in laba ka mid ah dadkii baroor diiqayay la xaqiijiyay inay ku dhinteen wax ay ku sheegeen "weerar gaadmo ah oo la qorsheeyay".

Ciidamada ammaanka qaranka ayay cod dheer ugu baaqeen inay soo celiyaan amniga magaalada xeebta ah, oo ku taal koonfurta Beyruut, ayna baacsadaan "dambiilayaasha".

Warbaahinta maxalliga ah ayaa warisay in ilaa afar qof laga yaabo in ay ku dhinteen iskahorimaadyadii xigay. Shabakadaha telefishanka maxalliga ah ayaa soo bandhigay muuqaalo dhallinyaro hubaysan oo ku soo qulqulaya aagga.

Militariga Lubnaan ayaa bayaan ay soo saareen ku caddeeyay inay tagayaan Khaldeh si ay u xakameeyaan xiisadda ka dib markii dagaalka xooggan - oo la isku adeegsanayo garneeladda garbaha laga rido - baasuuke - kuwaasoo argagax geliye dadka deegaanka ayna istaageen isu-socodkii gaadiidka. Dableyda ayaa weli baxsad ah.

War-saxaafadeedka taliska milatariga ayaa waxaa looga digay in ciidamadoodu ay toogan doonaan qof kasta oo "qori ku qaada waddooyinka Khaldeh".

Gacan-ku-dhiiglaha Chebli waa la qabtay qoyskiisuna waxay ku macneeyeen weerarka aargudasho. Waxay ku eedeeyeen Chebli inuu toogtay qof ay qaraabo yihiin oo 15 jir ahaa sanad ka hor.

Sarkaal ka tirsan Xisbullah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dableydu ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen aaska Chebli markii ay soo gaareen guriga qoyska, iyagoo rasaas ku furay dadkii baroor diiqayay, halkaasna ku dilay soddoggii iyo saaxiibkii, kuwo kalena ku dhaawaceen.

Ra'iisul-wasaaraha la magacaabay Najib Mikati ayaa ugu baaqay madaxa ciidanka in uu kordhiyo joogitaankiisa ammaanka magaalada, oo ku taalla waddo weyn oo xeebeed oo aadda koonfurta dalka.

Colaadda mad-habeedka ee ka oogan aaggaas ayaa qaraxdey sannadkii hore kadib markii lagu murmay calan diimeed shiico ah oo laga taagay aagga qabaa'ilka Carabta Sunniga ah. Isku-dhacyadda waxay u muuqdaan kuwa sii socon doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM