Muran ka taagan nolosha hogaamiyaha Daalibaan

Image

Xaaladda hoggaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour ayaan weli caddeyn, laba maalin kadib markii mas’uuliyiinta Afghanistan ay sheegeen in lagu dhaawacay dagaal dhacay, intii uu socday kulan ay taliayayaasha mintidiintan ku lahaayeen dalka Pakistan.

“Hoggaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour, waxaa uu u geeriyooday dhaawacyo” Sultan Faizy oo ah afhayeenka madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Afghanistan ayaa sidaas soo dhigay twitter khamiistii.

Faizy ayaa arbacadii ku wargeliyey warbaahinta, oo ay ku jirto VOA, dagaalka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay magaalada ku taalla Koonfurta Galbeed ee Pakistan ee Quetta.

Daalibaan ayaa diiday warkaas, ayada oo sheegtay inay yihiin kuwa ay abuureen sirdoonka dalka Afghanistan, taasi oo qeyb ka ah olole lagu kala qeybinayo kooxda.

Goor dambe oo khamiistii ahayd, Madaxa fulinta Afghanistan Abdullah Abdullah ayaa war qoraal ah khamsiistii ku sheegay in dowladda Afghanistan ay si rasmi ah u xaqiijin karto in hogaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour lagu dhaawacay isku dhac ka dhacay meel u dhow Quetta, balse aysan garneyn inuu geeriyooday iyo in kale.

Si kastaba illaa iyo hadda ma cadda xaaladda Mullah Akhtar Mansour iyo inuu geeriyooday iyo in kale.

VOA

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM